Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee (SDF) Oo Dacwadi Kaga Socoto Maxkamada G/MaroodiJeex

Hargeysa (Aftahannews)-Sanadihii Ugu Danbeeyay ee ay nu soo dhaafnay fadeexado ayaa dul hoganayay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo ay Warbaahinta Maxaliga ahi ka qortay Hantilunsi kasoo Ifbaxay.

Baadhitaan ay mashaariicda horu marinta sanduuqu maal galiyo ku sameysay warbaahinta laasgeelnews .waxa ay soo xaqiijiyeen mashaariic ay sidii ay qandaraaska loogu talagalay ee shariikado wadaniya loosiiyay ayaa aaney ufulin. Mashaariicdaa oo badankeedu la lunsaday lacatii ku bixilaheyd. waxaana ka mid ah mashruuca dhismaha xarunta cilmi baadhista oo dhinaca wax soosaarka beeraha ee abuuriin. oo uu maalgaliyay Sanduuqa Horurinta Somaliland ee SDF, Islamarkaana ay xisaab celinteeda masuuliyiin Sanduuqa horumarinta u xil saarteen Advisers ay gacanta ku hayeen, ayagana shaqaale u ahaa. Mashruucaa oo laga fulinayay.

Abuuriin ayaa gabi ahaanba joogsaday. kadib markii lacagtiisii la lunsaday, isaga muddo Sagaal bilood imika qabyo ahaa. Hadaba xog rasmiya oo aanu helnay ayaa waxa ay tibaaxayaan in SDF ay Dacwadi madaniya kaga socoto maxkamada gobolka maroodijex , dacwadaas oo laxidhiidha shirkadihii fulineyay masruucaa oo markii lacagtiin ay galiyeen la siin waayay sidii uu heshiiskoodu ahaa ku dacwiyeya hay’adda SDF. Hadaba dhamaan dhismayaasha iyo riig biyood goobtaa laga fulinayay ayaa lacag la,aan u joogsaday .mashruucan beeraha ee abuuriin ka socday miisaaniyada looqoondeeyay aheyd 2.5 milleyon, kaas oo xubna ka mida ah shaqaalihiisu hore usheegeen in wax ka yar in $700,000 ay galeen, , balse intiisakale la lunsaday . Ma o dhan kareynaa Sdf musuqmaasuqa iyo lunsiga lacagah mashaariicda waa mid raggaadiyay Somaliland horumarkeedii.