Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Turkiga

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah u ambabaxay dalka Turkiga, markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa, Recep Tayyip Erdoğan.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Ordogan ay ka wada hadli doonaan adkaynta xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal, iskaashi ku aaddan xoojinta dhaqaalaha,ammaanka,is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

 

 

Madaxweynaha ayaa inta uu Turkiga jooga wuxuu halkaas kaga qayb geli doonaa Lix Sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay xisbiga haatan talada dalka haya ee AK Part, oo ku beegan Berri oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Augost.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti kusii sagootiyay madaxda ugu sarreysa dalkaas.