Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Raalli-gelin Ka bixiyay Eedayn loo jeediyey Shirkadda Dahabshiil

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa raalli-gelin ka bixiyey eedayn loo jeediyey Shirkadda Dahabshiil, ka dib markii Guddiga daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golahahaasi soo bandhigeen Warbixin ay ku xidhiidhiyeen in Dhul Dahabshiil iibsaday Lacagtiisii la musuqmaasuqay, taas oo ay ku eedeeyeen masuuliyaddeeda Wasiirkii hore ee hawlaha guud Cali-Marreexaan.

Guddoomiyaha Wakiillada Mudane Baashe, ayaa sheegay in Shirkadda Dahabshiil Warbixintaas laga soo geliyey iibinta laynka Booliska Hargeysa, isla markaana Shirkaddu Golaha u soo gudbiysay qaabkii ay ku iibsatey iyo lacagtii ay siisatay oo uu sheegay in lacag dheeri ah ka raacdey Shirkadda Dahabshiil Group, sidaa daraaddeedna ay Dahabshiil ka raalligelinayaan waxay warbixintaasi la xidhiidhisay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.