Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Sheegay Wargeyska Haatuf ee Xayiraadda laga Qaaday iney weli Ciidan Boolis ahi Haysto

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa sheegay inkastoo Wargeyskaas xayiraad muddo sannado ah saarnayd Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ka qaadday, haddana ay Xarunta Wargeyskaas ee magaalada Hargeysa weli haystaan oo ay ku sugan yihiin Ciidammada Booliska ee joogay afartii sano iyo badhkii u dambeeyey ee Warbaahinta Haatuf xayirnayd.

Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxa uu sheegay inay Maxkamaddu amartay in Wargeyskaas xayiraaddii laga qaaday, ciddii ay khusaysay ee fulinta lahayd ee Booliska ahayd gaadhsiisay Waraaqda Xayiraad-ka-qaadidda, balse aanay weli fulin Boolisku oo ay weli halkaas Askartu ku xeeranyihiin, Taliska guudna uu la xidhiidhi kari la’yahay.

Waxaannu Guddoomiyaha Warbaahinta Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo arrimahaas iyo sida uu u arko ka warramaya, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.