Safiir Baashe Cawil Muxuu ka yidhi Xilka uu Madaxweyne Muuse Biixi ka qaaday iyo Ka uu u Magacaabay?

SAFIIR BAASHE CAWIL IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2018.jpg

Hargeysa(Aftahannews):- Safiirkii Somaliland u fadhiyey Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay inuu aqbalay xilka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay, isaga oo maanta u magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiyi doona dalka Kenya, xilkaas oo uu markii ay Maanta Magacaabistiisu soo baxday Baashe Cawil la shaaciyey inuu diiday, ayuu sheegay inuu aqbalay.

SAFIIR BAASHE CAWIL IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2018.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu Baashe Cawil aqbalaaddiisa ku sheegay Qoraal uu fiidkii caawa soo dhigay Bartiisa Facebook uu ku leeyahay, kaas oo Aftahannews.com ka soo xigatay, ayuu sheegay inuu ugu mahad-naqayo Madaxweynaha iyo sidoo kale Imaaraadka oo uu sheegay inay Somaliland si fiican isu garab-taageen.

Qoraalka uu Bartiisa Facebook ku baahiyey Safiir Baashe Cawil, waxa uu ku yidhi oo Qoraalkiisu u dhignaa sidatan:- “Mahad-naq Iyo Maalmo Kale Oo Aynu Qaranka Ugu Addeegno Hal-Abuurid, Iyo Hirgalinta Hiigsiga Somaliland Ay Leedahay.

Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadnaqayaa wada shaqayntii iyo garab- galkii aad safaaradda Somaliland ee Imaaraadka ka siisay xoojinta Xidhiidhka Ganacsi, Amni Iyo dhaqaale ee aynu la lahayn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa dhammaan Shaqaalihii Safaarada sidii dadaalka Iyo daacadnimada lahayd ee aad ugudan jiray shaqada aad qaranka uhaysaan, waxaan sidoo kale umahadnaqayaa dhammaan madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sida gobonimada leh ee ay Somaliland u garab joogaan xaalad adag iyo mid fudud ba.

Ugu dambayntii waxaan Aqbalay Madaxweyne xilka Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya ee aad ii magacawday.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Baashe Cawil oo xilkaas hayey tan iyo markii 2015-kii u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Soddog u ah.

 

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.