Liiska Mashaariic Tiro Badan, Adeegyo Dawladdeed, Shirkaddo iyo Hay’addo Qaran oo Weli Gacanta Ugu Jira Shakhsiyaad iyo Ganacsato Oo Wali Ah Hal-Xidhaale Hor Yaalla Madaxweyne Biixi!

Hargeysa(Waaberi):-Shacabka Somaliland, ayaa aad u hadal haya wareegto Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi uu ku buriyey heshiisyo Xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo ay ku bixisay Haamihii Keydka Shidaalka ee Berbera, qeybihii Amniga iyo Baarkinka ee Madaarka Hargeysa isla mar ahaantaana uu dib ugu soo celiyey gacanta dawladda maadaama markii hore ay maamulaayeen shirkaddo gaar loo lee yahay, ganacsato iyo shakhsiyaad kale.

Hadda ba Wargeyska Waaberi, waxa uu isku dayey in uu baadhitaan ku sameeyo hay’addo dawladdeed iyo mashaariic kale oo wakhtiyadii Xukuumaddii hore maamulkooda loo gacan geliyey ganacsato, shirkado iyo shakhsiyaad kale oo hab naas-nuujin ah loo siiyey isla mar ahaantaana maamulka hay’adahaas iyo adeegyaddaa dawladdeed ba gacanta ku soo hayey muddo dheer.

Wargeyska oo baadhitaan ku sameeyey, wuxu idin la wadaagayaa hay’addo, adeegyo iyo mashaariic dawladdeed oo weli ku jira gacanta ganacsato reer Somaliland ah, shakhsiyaad iyo shirkaddo kale oo gaar loo lee yahay, waxaana ay kala yihiin goobaha iyo mashaarciida weli gacanta ugu jira shakhsiyaadka iyo ganacsatada ba.

  1. Liisamada Baabuurta
  2. Warqadda Cashuurta ee Baabuurta
  3. Taarikada Baabuurta
  4. Shirkaddii Laydhka ee Hargeysa
  5. Shirkaddii Laydhka Berbera
  6. Dekaddii Berbera
  7. Madaarkii Berbera
  8. Kaadhka Dhalashada(Teysarada Muwaadinnimada)
  9. Diiwaan-gelinta Madaniga ah.
  10. Shirkadda La siiyey daabacaada Manhajka Waxbarashada.
  11. Timirta Ciidamada ee bisha Ramadaan
  12. Raashinka Ciidamada.
  13. Direyskii Ciidamada
  14. Wakaaladda Biyaha ee Boorama
  15. Tigidhada safarada dibadda ee Madaxda Dawladda.
  16. Baasaboorka Somaliland
  17. Kootada Internetka ee Fiber Optic
  18. Kawaanka Xoolaha ee Hargeysa.
  19. Kootada Maxjarka Xoolaha Al-jaabiri
  20. Macradka dawladdu Ka Qaadato Baabuurta.
  21. Makiinadda Dawaarisa Raashinka WFP.
  22. Beeyada iyo Xabkaha
  23. Shirkadaha QashinkaBorama iyo Hargeysa

 Hadda ba, shacabka Somaliland oo aad u soo dhaweeyey tallaabaddii Madaxweynahu uu dib gacanta dawladda ugu soo celiyey haamihii shidaalka iyo adeegyaddii kale ee Madaarka, ayaa ahayd mid ay shacabka Somaliland si aada ugu boggaadiyeen Madaxweynaha balse su’aasha weli hortaala Madaxweynaha ayaa noqoneysa. Madaxweyne Biixi Ma ku dhiiran doonaa in uu iyaga na gacanta dawladda ku soo celiyo hay’adahaas, shirkadahaas, mashaariicdaas iyo adeegyaddaas kale ee dawladdeed ee dhammaantood ba gacanta ugu jira shakhsiyaadka iyo ganacsatada ama dib ma u eegi doona sharciyadda iyo hufnaanta ay ku haystaan adeegyadaasi?.

Sidoo kale baaqyada madaxweynaha loo jeedinayo ayay ku jiraan in dib u eegis uu ku sameeyo hantida ma guurtada ah sida dhul, guryo iyo lacago la boobay xilligii xukumaddii hore waxaana dadka arrimahaasi ku baaqay ka mid ahaa Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo wargeyska Waaberi u warramay.

Dhinaca kale, sida Wareegtaddii Madaxweynaha ee dorraad ku xusan, ayaa sheegaysa in aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act).

Xigasho Wargeyska Waaberi