Dawlada Somaliland Oo Ka Gaabisay Isbadalada Ka Socda Geeska Africa

Hargeysa, (Aftahannewsi)-Waxa dabada ka riixaya wadamada khaliijka oo uu ugu horeeyo dalka imaaradka kaasi oo khilaaf dublamaasiyadeed ka dhaxeeyo

Dhawaan ayey ahayd kolkii  ay isbadalo hor lihi ka dhaceen wadamada  geeska  gaar ahaan Ethiopia iyo Eretria, labadan wadan ayaa mudo waxa ka dhaxaysay colaad hor leh iyada oo ay sababtay colaadaasi dhimasho badan oo soo kala gaadhay labada wadan,  colaada guunka ahayd ee u dhaxaysay labada wadan  ayaa si yaab leh isu badashay kolkii raysalwasaaraha Ethiopia ka tanaasulay dhulkii la isku haystay ee salka u ahaa khilaafka labada wadan,  taasi oo sababtay inay si layaab leh u heshiiyaan labadan wadani,  dhanka kale  dalka Eretria ayaa martiqaad u sameeyey  madaxwaynaha  Somalia  mr  farmaajo kulankaasi  u dhaxeeyey labada madaxwayne waa Ereteria iyo somaliye,  waxa dabada ka riixaya wadamada.

Khaliijka oo uu ugu horeeyo dalka imaaradka kaasi oo khilaaf dublamaasiyadeed ka dhaxeeyo  dalka jabuuti  islamarkaana  isu khilaafsanaa arinta shirkadii DP WORLD, dalka jabuuti ayaa ka cadhooday  safar uu madaxwayne farmaajo ku aaday Eretria iyo waliba hadal kasoo yeedhay farmaajo oo ahaa in cunaqabataynta laga qaado Eretria iyo ciidamo ay sheegtay Eretria inay usoo tababari doonto Somalia,  dalka jabuuti ayaa cilaaqaad dhaw la lahaa Somalia isagoo ka mid ahaa wadamada ay ciidamadu ka joogaan Somalia, isla markaana tababaro u fidiya ciidamada kala duwan ee Somalia, dawlada jabuuti ayaa laga yaaba in ay cilaaqaadka u jarto Somalia isla markaana ciidamadeeda kala soo baxdo dalka Somalia, hadaba Somaliland ayaan dhawaanahan wax xidhiidh dublamasiyaded ku talaabsan  isla markaana aad moodaa inay ku mashquushay arimihii gudaha oo kaliya meeshana ka saartay arimihii dibada oo aad moodo dhawaanahan inay sii yaraanayso xidhiidhkii beesha calamka iyo wadamada geeskaba, waxay is waydiintu tahay  ma wasiirka haatan haya jagada ayaan aqoon u lahayn arimaha dibada mise dawlada ayaan diyaar u ahayn wakhtigan xidhiidhka arimaha dibada,

Mubaarig Ahmed Faarah