Barcelona Iyo Caydhintii Macalinkii Dunidda Tusay Xavi Iyo Puyol

Hargeysa, (Aftahannews)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaqadii ka caydhisay tababare ruug caddaa ah oo muddo ka badan 40 sannadood ka mid ahaa udub-dhexaadka kooxda, isla markaana soo saaray ciyaartooyo badan.

Joan Vila waxa uu Barcelona ka mid ahaa tababareyaasheeda muddo kor u dhaafaysa 40 sannadood, waxaana uu soo saaray ciyaartooyo muhiim ahaa sida Xavi Hernandez iyo Carles Puyol, kuwaas  oo baal dahab ah kaga qoran taariikhda casriga ee Blaugrana.

Vila oo lagu sifeeyo aabbaha ka dambeeya iyo maskaxda guunka ah ee alliftay kubadda quruxda badan ee isku-dhiibka ee Barca ay ciyaarto ayaa waxa uu khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta kooxda, taas oo sababtay in waayihiisii Barcelona uu halkaas ku dhamaado.

Halyeygii Barcelona ee Xavi ayaa si qiiro leh u sifeeyey shaqsiyaddii Vila iyo marxaladihii ay soo mareen, waxaanu kku tilmaamay macallinkii sababta u ahaa horumarkii uu kubadda cagta ka gaadhay iyo abuurista shaqsiyadda uu yahay ee maanta dunida magaca ku lehba“Guardiola iyo Luis Aragones ayaa ah labadii tababare ee iigu dhowaa shakhsiyan kubadda cagta, laakiin marka la eego horumarkayga kubadda, waxa iska leh Joan Vila oo iga dhigay qofka aan ahay.” Sidaa waxa yidhi Xavi oo ka hadlayay saamayntii uu noloshiisa ku lahaa tababaraha ka tegay Barcelona ee Vila.

Dhinaca kale, difaacii iyo kabtankii hore ee Barcelona ee Carles Puyol ayaa waxa uu ka sheekeeyey qaabkii uu Vila sababta ugu noqday inuu kubadda si fiican u ciyaaro.

Waxa aan imid La Masia anigoo 17 ir ah oo aan horumar badan ka samayn kubadda. Waxa badan ayuu igu tusay gudaha garoonka da’yarka La Masia,, kaddib waxa aan noqday 30 jir wax badan ku guuleystay, illaa hadda ayaanan dareemaa horumarkii uu jidhkayga ku sameeyey. Waxa aan waydiistay Joan Vila inuu nala sii joogo, sababtoo ah sharaf dhac ayay tahay inuu hadda tago, cidina iima sheegayso sida loo difaaco.” Sidaa ayuu yidhi Puyol.

Si kastaba ha ahaatee tegista Vila oo ahaa macallin dhinaca horumarinta jidhka ciyaartooyada ah ayaa waxa sababay khilaaf ka dhex qarxay maamulka kooxda.

Khadar Jacayl