Taageerayaal Ku Banaan Baxay Ciyaaryahan Madoow

Hargeysa, (Aftahannews)-Waxaa sii kordhaya sheekooyinka Jinsiyad Nacaybka ah ee lagu faquuqayo dadka Madoow iyada oo xal loo waayey in lajoojiyo arintaas oo noqotey mid aad u hadal hayn badan.

Dalka Ruushka waxaa dhawaan lagu soo gaba gabeeyey koobka aduunka waxaana dalkaas tegay malaayiin qof oo isugu jira madoow iyo cadaan balse waxaa ka dhacday dhacdadii ugu xumeyd ee lagu sameeyo qof madoow ah kadib markii ay banaanbaxyo sameeyeen Taageerayaal Naadi Ruush ah kadib markii ay soo qaateen ciyaaryahan madoow ah.

Taageerayaasha kooxda FC Torpedo ee ka dhisan Magaalada Caasimaad ah Moscow ayaa Sameeyey Banaan baxyo waa weyn kadib markii Naadiga ay taageeraan uu lasoo wareegay ciyaaryahan madoow ah oo lagu magacaabo Erving Botaka-Yoboma waxaana ay dalbadeen in ninkaas oo difaaca ka ciyaara aan loo gelin Funaannada Naadigaas lana caydhiyo.

Madaxweynaha kooxda FC Torpedo Roman Avdeyev  ayaa sheegay in aysan ka laaban doonin Go’aankii ay ku soo qaateen cayaaryahanka madoowga ah isla markaana kuwa banaan baxa sameeyey aysan wada ahayn Taageerayaasha naadigaas ee ay ahaayeen canaasiir yar oo Cunsuriyadu madax martay waxaana dhacdadaan aad looga Canbaareeyey dalka Ruushka oo dhan.

Erving Botaka-Yoboma.oo ah difaac 19 sanno jir ah ayaa u Wareegay kooxda heerka labaad ee FC Torpedo markii uu kategay isla Naadiga dalka Ruushka ee Lokomotiv-Kazanka balse waxa uu lakumay dhacdadaan layaabka leh ee kaga timi Taageerayaasha kooxdiisa cusub.

Khadar Jacayl