Faysal Cali Waraabe oo ka Warramay Qodobbo ay ka Wadahadleen Madaxweyne Farmaajo oo ay Brussels ku Kulmeen

FAYSAL CALI WARAABE IYO MADAXWEYNE FARMAAJO OO WADAHADAL DHEX-MARAY 19 JULY 2018

Brussels(Aftahannews):-  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay kala hadleen Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo uu sheegay inay ku kulmeen Shirkii magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka loogu qabtay Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen isaga iyo Xubno kale.

FAYSAL CALI WARAABE IYO MADAXWEYNE FARMAAJO OO WADAHADAL DHEX-MARAY 19 JULY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inay Madaxweyne Farmaajo siiyeen talooyin waalidnimo iyo Waayeelnimo oo la xidhiidha Qaddiyadda Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliya, isla markaana ay u sheegeen in dagaalka Tukoraq ku dhex-maray Somaliland iyo Maamulka Puntland bilaabmay intii uu Farmaajo ahaan Madaxweynaha ahaa oo uu isagu eedda dagaalkaas wax ku leeyahay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-Da, wuxuu sheegay in ka qaybgalkooda shirka Brussels uu Midawga Yurub ugu qabtay Soomaaliya uu ahaa inay u ololeeyaan Mowqifka Madax-bannaanida Somaliland iyo sidii ay wixii magaca Soomaaliya lagu bixinayana ay si toos ah qaybteeda uga heli lahayd Somaliland.

“Xoolaha waan wada leenahay, tan Muqdisho lagu cuno waan wada leenahay, waxaanu jecelnahay iminka in la helo qorshihii aan waxayaga ku qaadan lahayn.” Sidaa ayuu yidhi oo uu BBC-da Brussels ugu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Mar wax laga weydiiyey Faysal kulan ay isaga iyo Cali Khaliif Galaydh oo Somaliland ka socday la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, wuxuu sheegay Faysal Cali Waraabe in kulankaas uu codsaday Farmaajo oo ay kala hadleen in arrimo kala duwan. “Waxaannu kala hadalnay Farmaajo Soomaaliyi inaanay maanta u baahnayn dhibaato, wixii loo doortayna Farmaajo ay tahay inuu Soomali hagaajiyo.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe intaa sii raaciyey oo uu yidhi; “Somaliland finalka ayey u soo baxday, halkaa ayeyna taagan tahay. Waxaan u sheegnay in intii uu isagu yimid ay dagaalladu bilaabmeen, wixii aannu kala heshiinnay dawladihii hore ee Soomaaliyana ay ahaayeen in aan la is af lagaadeyn oo laga fogaado wixii xanaf keenaya. Labadayadaba wuu naga yar yahay, waxaannu siinnay aragti waalidnimo iyo odaynimo ku dheehan tahay, waana is af garannay.”

Faysal oo ka hadlayey mar lagu celceliyey, oo weliba toos wax looga weydiiyey, in dabaysha isbeddel ee gobolka ka socota, gaar ahaan sida Itoobiya iyo Eritrea oo kale ay isaga u muuqato, wuxuu Faysal Cali Waraabe markii hore ku jawaabay; “Farmaajo Hargaysa ha yimaaddo oo ha ka furo Safaaraddii Soomaaliya.”

Hase-yeeshee, mar labaad markii su’aasha lagu celiyey Faysal, wuxuu yidhi; “Annagaa Soomaali isu keennay, Annagaa shantii keennay, Jabuuti ha timaaddo, NFD ha timaaddo, Ogaadeen ha timaaddo, bal markaa (Annaga Somaliland) Na waaya, laakin inta intaas lagu kala maqan yahay wixii wanaagsanaa ee aan wadnay Soomaaliya ayaa bi’isay, Annagu dadka waan isku keennay.”

Faysal Cali Waraabe oo aad ugu ololeeya qaddiyadda gooni isu-taagga Somaliland wuxuu si toos ah u diiday in Soomaaliya ay iyagu kala jareen; “Annagu kuwii isku keenay ayaannu nahay, dadkii dayaaradaha la dhacay, dadkii Xabaal-wadareedyada sameeyey, kuwaas ayaa kala jaray.”

Inkasta oo ay Xukuumadda Somaliland sheegtay inaanay ka qaybgelin, isla markaana aanu Somaliland ahaan khusaynin Shirka Brussels ugu soo dhammaaday Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyeen Madaxda Maamul-goboleedyadeeda oo isku dhinac ah iyo Midawga Yurub oo dhinac ah, haddana waxaa ka qaybgalay Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad ah ee UCID ee Somaliland ka dhisan, Cali Khaliif Galaydh oo ah Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo, isaga oo Faysal Sheegay in halkaas u tageen soo dhicinta xaqa ay Somaliland leedahay iyo u ololaynta qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.