Brussels: Wefti Somaliland uga Qaybgalay Shirka Soomaaliya oo War ka Soo Saaray Kulan ay la yeesheen Mudanayaal Midawga Yurub ka Tirsan

FAYSAL CALI WARAABE IYO CALI KHALIIF GALAYDH OO SOMALILAND UGA QAYBGALAY SHIRKA Brussels 2018

Brussels(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Wakiilka Somaliland u jooga dalka Belgium Maxamuud Cabdi Dacar, ayaa magaalada Brussels ee Waddanka Belgium kaga qaybgalay Shirka Soomaaliya iyo Midawga Yurub uga qabsoomay halkaas, iyaga oo kulammo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Midawga Yurub iyo Hoggaamiyeyaashii ka qaygalay Shirkaas Dawladda Soomaaliya loo qabtay.

FAYSAL CALI WARAABE IYO CALI KHALIIF GALAYDH OO SOMALILAND UGA QAYBGALAY SHIRKA Brussels 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War Qoraal ah oo Xafiiska Warbaahinta ee Xisbiga UCID ka soo baxay oo Nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Warqabadka Warbaahinta Aftahannews.com, ayaa sidaa lagu sheegay, waxaana Warkaas qoraalka ah lagaga warbixiyey Xubnaha ay Guddoomiye Faysal iyo Hoggaamiye Galaydh kula kulmeen magaalada Brussels oo lagu soo gebo-gabeeyey Shirka Soomaaliya halkaas loogu qabtay oo Malaayiin Doollar oo Lacagta Yurub ah loogaga yaboohay Dawladda Soomaaliya.

Qoraalka Warkaas ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Nuqulka ka midka ahi Aftahannews.com soo gaadhay, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Eng Faysal Cali Xuseen oo uu Wehelinayay Prof Cali Khaliif Galaydh oo hawlo shaqo u yimi Dalkan Belgium iyo Safiirka Somaliland ee Dalka Belgium Amb. Maxamuud Cabdi Dacar, ayaa maanta kulan la qaatay Xubno iyo Masuuliyiin ka tirsan Baarlamanka Midowga Yurub oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan James Carver MEP, Stephen Atkinson, Aleksander Pruitt iyo Amb Kaysar Cabdilaahi oo ka hawl gala Baarlamanka Midowga Yurub.

Ugu horrayn waxaa kulankaas si qoto dheer uga hadlay Eng Faysal Cali Waraabe oo si faahfaahsan u sharaxay Xaalada guud ee Dalka Somaliland ku sugan yahay, Arrimaha Ammaanka, Colaada deegaanka Tukaraq iyo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaalia.

Waxaa isaguna Warbixin waafi ah halkaas ka soo jeediyay Professor Cali Khaliif Galaydh oo si faahfaahsan uga warramay wada hadaladii u dhexeeyay Khaatumo iyo Xukuumada Somaliland.  Waxa uu Professor ku nuuxnuuxsaday in si degdeg ah loo sii Ambo-qaado lana dardar geliyo wadahadaladii u dhexeeyay Xukuumada iyo Khaatumo.

Xildhibaan Jim Carver Amb Dacar, iyo masuuliyiintii kala duwanayd oo dhamaantood madasha ka hadlay ayaa isku waafaqay in la sii xoojiya xidhiidhka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Somaliland.

Kulankan waxaa soo diyaariyay Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo hore u ahaa Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada Somaliland imikana la shaqeeya Baarlamaanka Midowga Yurub.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka Qoraalka ah ee UCID naga soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.