Abiy oo amray In ciidamo Loo Diro  deegaannada Soomaalida iyo Oromada

Addis-Ababa(Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa laamaha amniga dalka ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo loo geeyo deegaannada ay ku dagaalamayaan Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, kaddib markii la dilay mas’uuliyiin ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiye degmo iyo madaxii hogaanka Amniga degmada Filtu ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay xili ay ku safrayeen qeybo ka mid ah deegaannada ay ka socdaan dirirta labada Qowmiyadood, hasse ahaatee dhab ahaan lama xaqiijin cida rasmiga ah ee ka danbeysa dilkan labada mas’uul.

Ciidamadan uu amray ra’iisal wasaare Abiy in la geeyo goobaha ay dirirtu ka socto ayaa noqon doona kuwa isku dhaf ah, waxaana uu intaa ku daray ra’iisal wasaaruhu in ay jiri karto gacan kale oo ku lug leh dagaallada Labada Qowmiyadood.

Waxaa jira tuhunno soo baxaya oo sheegaya in mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbigii horay dalka u maamulayay uu qeyb ka yahay colaada labada labada dhinac iyaga oo taa uga dan leh ayaa la leeyahay in ay ku fashiliyaan is badallada cusub ee ra’iisal wasaare Abiy uu doonayo uu dalka ka sameeyo.