Madaxweynaha Uruguay Oo Farriin Qaabilaad Ah U Diray Griezmann

Hargeysa, (Aftahanews)-Madaxweynaha Uruguay Tabaré Vázquez ayaa hambalyo u diray weeraryahanka kooxda Atlético Madrid iyo xulka qaranka France Antoine Griezmann, kadib markii uu xulkiisa ku hogaamiyay ku guleysiga koobka aduunka 2018.

Madax Weynaha Uruguay Tabaré Vázquez ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu Antoine Griezmann ku casuumo dalka Uruguay dhamaadka sannadkan si uu u sharfo uguna mahadceliyo.

War rasmi ah ee ka soo baxay madaxda Uruguay ayaa lagu yidhi “Waa inaan u mahadceliyaa kadib dareenka uu u muujiyay Uruguay, kadib markii uu ku dhex qaatay calankeena shirkiisa jaraa’id, kadib finalkii koobka aduunka 2018”.

Weeraryahanka kooxda Atlético Madrid iyo xulka qaranka France Antoine Griezma ayaa calanka dalka Uruguay saartay labadiisa garbood, shirkii jaraa’id uu kaga soo muuqday saxaafada horteeda, sida uu qoray wargeyska Marca.

Xidhiidhka Antoine Griezma iyo Uruguay ayaa wuxuu soo bilaawday tan iyo marka uu ku sugnaa kooxda Real Sociedad, kadib markii uu ka soo hoos shaqeeyay macalinka reer Uruguay Martín Lasarte.

Khadar Jacayl