Bixitaanka Ronaldo Oo Lagu Sababeeyey Cadho Cashuur

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxwaynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa ka warbixiyay sababta dhabta ah uu xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu kaga dhaqaaqay kooxda Real Madrid suuqan xagaaga.

Cristiano Ronaldo ayaa Juventus kaga soo biiray kooxda reer Spain ee Real Madrid heshiis afar sanno ah, wuxuuna xili ciyaareedkii mushaar ahaan u heli doonaa 30 milyan euro sannadkii, xili Bianconeri ay ka soo bixisay saxiixa Cristaino Ronaldo 100 milyan oo yuro.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in maamulka kooxda Real Madrid ay xili hore qorsheeyeen in Cristiano Ronaldo ay ku fasaxaan suuqan xagaaga aduun dhan 100 milyan oo yuro si uu ugu dhaqaaqo midkood kooaha Paris Saint-Germain ama kooxaha Premier league.

khadar jacayl