Xidhiidhka FIFA Oo Shaaciyay Shaxdii Ugu Fiicnayd Koobka Adduunka

Hargeysa, (Aftahannews)-Xidhiidhka kubada cagta adduunka FIFA ayaa soo saartay shaxdii ugu fiicnayd tartanka koobka adduunka Russia 2018 kadib markii uu tartanku si Rasmi ah u soo xidhmay maalintii Axadii.

Tartanka ayuu ku guulaystay xulka France kuwaas oo haaatan saaran booska ugu sareeya ee adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Croatia.

Ku guulaysiga koobka adduunka Russia 2018 ayaa xulka France ka caawisay in ay 4 xiddig ku lahaadaan shaxda ugu fiican ee tartanka koobka adduunka Kuwaas oo kala ah Lloris,Varane,Greizmann iyo Mbappe.

Xulka kaalinta 2-aad ka galay koobka adduunka ee Croatia ayaa dhankooda 2 xiddig ku leh kuwaas oo kala ah Lovren iyo Modric kaas oo ku guulaystay xiddiga ugu fiican koobka adduunka.

Xulka England oo kaalinta 4-aad ka galay tartanka koobka adduunka ayaa ku leh laba xiddig kuwaas oo kala ah Young iyo Trippier kuwaas oo wacdaro ka dhigay daafaca.

Dhanka kale xulka Brazil ayaa laba xiddig ku leh iyaga oo ku leh Paulinho iyo Neymar taas oo la yaab noqotay marka loo eego in Coutinho ahaa xiddigii ugu qaab ciyaareedka fiicnaa.