Paul Pogba Muxuu Ka Yidhi Mustaqbalkiisa Iyo Guushii Qarankiisa

Hargeysa, (Aftahannews)-Ciyaaryahanka Khadka dhexe ee kooxda Manchester United iyo Xulka dalka France Paul Pogba oo dalkiisa kula Guuleystey koobka aduunka 2018 ayaa ku jees jeesey dalka England.

Paul Pogba oo la sheegay in aannu seexan habeenkii isniinta oo dhan ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadalo u muuqday inuu ugu dan leeyahay Xulka England hadaladaas oo ahaa kuwo jees jees ah.

Hadalka Paul Pogba ayaa u qoraa sidaan waxaan doonayaa in aan farxada la qaybsado dhamaan Taageerayaasheyda oo aan  ku jirin kuwa Ingiriiska ah ee gurigooda kula laabtay Murugada isla Markaana ku hungoobey in ay koobka aduunka qaadaan aad ayaan u faraxsanahay waanan gaari doonaa dhamaan riyooyinkeyga kubada cagta si kasta oo Warbaahintu iila dagaasho ama ay dhaleeceeyaan kuwa Ingiriiska ah ee Masayrasan.

Xiddiga dalka France oo dhaliyey mid ka mid ah goolashii ay ku qaadeen koobka aduunka ayaa hadalka ka soo yeeray waxa uu yeeshay saamayn weyn waxaana laga bixiyey fasiraado kala duwan oo intooda badan Tilmaamayey in aannu ku soo laaban doonin ciida England sidaa daraadeed uu ugu jees jeesey taageerayaasha waalan ee dalkaas.

 Khadar Jacayl