Wenger “22 Sano, Waxaan Maxbuus U Ahaa Loolan Ii Gaar Ah…”

Hargeysa, (Aftahannews)-Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wax laga waydiiyay qaladkii ugu xumaa ee uu galay abid, Tababaraha ree France ayaana bixiyay jawaab layaab noqotay kaddib markii uu sheegay inay ahayd inuu hal koox ku sugnaa mudo 22 sano ah.

Wenger ayaa isaga tagay shaqada dhammaadkii xili ciyaareedkii hore kaddib mudo 22 sano ah oo uu hayay shaqada tababarenimo ee kooxda ree London isagoo mudadii uu majaraha u hayay Gunners kusoo guulaystay saddex horyaal oo Premier League ah iyo toddoba FA Cup balse uu eedaymo xoogan lasoo kulmay dabayaaqadii waayihiisii Emirates.

Sidoo kale Wenger ayaa la kulmay ololihii caan baxay ee la magac baxay ‘Wenger Out’ iyadoo jamaahiirta kooxdu ay si joogto ah u samayn jirtay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan tababaraha ree France taas o ugu dambayn ku qasabtya inuu is casilo.

Haddaba Radio-ga ree France ee RTL ayaa tababaraha waydiiyay qaladkii ugu weynaa ee uu soo sameeyay wuxuuna ku jawaabay “Waa inaan koox joogay 22 sano, Waxaan ahay qof jecel inuu guur guuro, Laakiin sidoo kale waxaan jeclahay loolanka, Waxaan maxbuus u ahaa loolan ii gaar ah mararka qaarkood”

Khadar Jacayl