Real Madrid Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqotay Chelsea

Hargeysa, (Aftahannews)-Kooxda Chelsea iyo tababaraheeda cusub ee Maurizio sarri ayaa dhibane u noqon kara kooxda ree Spain ee Real Madrid maadaama oo aad moodo in qorshayasha labada kooxood ee suuqu kala iibsigu uu isasoo galayo, Tababaraha ree Talyaani oo dhawaan loo magacaabay macalinimada Blues ayaa dhib kala kulmi kara siyaasada suuqa ee Real Madrid.

Kooxda ree Spain kaliya ma doonayso inay 200 Milyan Chelsea kagala soo saxiixato Eden Hazard laakiin waxa sidoo kale diirada u saaran weeraryahanka ree Poland ee Robert Lewandowski kaas oo isaga qudhiisu ku jira qorshayasha suuqa ee kooxda ree London.

Khadar Jacayl