Xildhibaan Siciid Cartan Oo Soo Bandhigay Dhibaatooyin Ay Shirkada Dp World U Geystay Dekada Berbera

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doorto gobolka Saaxil ayaa waxa uu soo jeediyay in dib loo eego heshiiska Dekeda Berbera lagula galay Shirkada DP World.

Xildhibaan Siciid Cartan oo ka hadlayay fadhiyay ay maanta yeesheen mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu shirkada Dp World ku eedeeyay in aanay ilaa iyo hada jirin wax ay ka qabatay Dekeda Berbera islamarkaana qalabkii lagu wareejiyay qaar ka mid ah ay fadhiisteen.

Dhanka kale Xildhibaan Siciid Cartan ayaa waxa uu ka hadlay kulan ay masuuliyiinta Khaatumo ku yeesheen magaalada Laascaanood isagoo sheegay in ay iska garab dhisan yihiin laba baarlamaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka