Maxay ka Wadahadleen Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Dhiggiisa Federaalka Itoobiya?

Addis Ababa(Aftahannews)- Wasiirka Arrimha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulan la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibada dalka Itoobiya.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii labada dawladood u sii wada xoojin lahaayeen cilaaqaadka ka dhexeeya daladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arimha Dibada ayaa waxa uu dawlada Itoobiya u soo bandhigay fursado ganacsi oo ka banana dawlada Somaliland, sidoo kale wasiirku waxa uu dhigiisa kala hadlay sidii loo fududayn lahaa isu socodka labada dal maadaama ay labada wadan ay yihiin danwadaag.

Dhanka kale Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay u muuqataa in ay inay ka faa’idaysato isbedelka hanaqaaday ee ka bilaabmay dalka Itoobiya kaas oo saamayn ku yeeshay wadamada Geeska Afrika.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.