Fadeexadda Facebook : Shirkadda Acxion oo Malaayiin Doollar ka samaysay Xogtaada Shaqsiga ah! Sabab?

Wanshiton(Aftahannews)- Marka aad booqatid bogga waalidiinta la talintooda qaabbilsan ee Emma Diarry, waxa aad ka heleysaa talooyin wanaagsan iyo waliba lacag £200 oo abaalmarin ah haddii waxyaabaha qaarkood aad ku guuleysatid.

Balse marka aad ku biireysid boggan qofka waxa uu saxiixayaa ogolaansho in xogtaada shaqsiga oo dhan la isticmaali karo, taas oo lasii iib geeyo, lagana iibiyo shirkadaha wax xayaysiiya, kuwaas oo waxyaabaha aad jeceshahay ama aad danaynayso kuusoo dhigaya barahaaga bulshada.

Waxaa hadda soo baxday xitaa in xogta laga iibiyay xisbiga Labour ee Ingiriisk sanadkii 2017-kii, inkasta oo heshiiska uu qofka saxiixay aysan ku jirin xisbiyada siyaasadda.

Arrintan ayaa waxa ay qeyb ka tahay dacwad loo gudbiyay guddiga dabo-galka suuqgeynta siyaasadeed kadib fadeexaddii shirkadda cambridge Analytica.

Dalaaliinta xogta shakhsiga

Xogta shaqsiga ayaa waxaa lagu tilmaamay ‘nooca cusub ee shidaalka’ ee adduunka kusoo kordhay, taas oo macaash iyo lacag badan laga sameey

Waxaa jira dad ka dalaala xogtan, waxa ay uruursadaan xogta dadka, taas oo ay kasii iibiyaan shirkaddo waaweyn oo wax xayaysiiya, kuwaas oo kasii iibiya shirkaddaha iyaga wax loo xayaysiiyo oo doonaya in xogta ay helaan ku saleeyaan cidda ay alaabtooda u suuq geynayaan.

Shirkadaha ugu waaweyn ee ka dalaala xogta shaqsiga waxaa ka mid ah Acxiom iyo Experian

Sanadkan 2018-ka, shirkadda Acxiom waxa ay macaashtay $95 milyan, waxayna taas keentay in ay iibsato shirkadda xayaysiinta ee IPG.

Balse waxaa jira kumanaan shirkado yaryar ah oo ka macaasha uruurinta xogta shaqsiga ee maalin kasta dadka ku kaydsadaan baraha internetka.

Maxaa xiga?

Baaritaanka ay waddo laanta dabogalka suuqgeynta Ingiriiska ee ICO ayaa waxaa la rajaynayaa in uu ka dhasho go’aan ah in boggaga internetka ay dib u qoraan xeerarkooda ay dadka saxiixaan marka ay adeegga isticmaalayaan.

Waxaana laga mamnuuci doonaa in ay dib usii isticmaalaan xogta ay dadka ka kaydiyeen markii boggooda lasoo booqanayay sabab kasta ha lahaatee.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.