Inter Milan Oo Taariikh Cajiib Ah Ku Leh Finaladda Koobka Adduunka

Hargeysa,(Aftahannews)- Koobka adduunka ayaa si rasmi ah u soo xidhmi doona maalinta Axada kadib markii ay isu soo baxeen labada xul ee wada ciyaari doona kulanka kama dambaysta koobka adduunka Russia 2018 kaas oo ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh laguna raaxaystay.

Xulalka France iyo Croatia ayaa noqday labada xul ee kala qaadi doona koobka adduunka Qaybtiisa 21-aad iyada oo la arki doono xul cusub oo koobka ku guulaysta hadii Croatia qaado ama uu France qaadi doono markii 2-aad ee taariikhdiisa.

Kooxda Inter Milan ayaa taariikh cajiib ah ka dhigi doonta tartanka koobka adduunka Russia inksta oo ayna ka qayb-galayn.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A-da Inter Milan ayaa ah kooxda kaliya ee uu xiddig uga qayb galay finalka koobka adduunka sannad kasta tan ilaa 1982-kii.

Haddaba waxaannu halkan idiinku soo gudbinayna dhamaan xiddigihii kooxda Inter Milan uga qayb galay finalka koobka adduunka tan ilaa 1982-kii.

1982: Bergomi

1986: Rummenigge

1990: Klinsmann

1994: Berti

1998: Ronaldo

2002: Ronaldo

2006: Materazzi

2010: Sneijder

2014: Palacio

2018: Perišic

Khadar Jacayl