1993-kii: Xasuuqii Maraykanka Ee Muqdisho Iyo Dhimashaddii 73-Ka Qof

Muqdisho(Aftahannews)- Maanta oo kale 12kii July, sanadkii 1993dii, 25 Sano ka hor ayeey ku beegan markii diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka duqeyn ku dileen 73 Qof ku guri ku yaala magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa waqtigaa ka socday dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamadii howlgalka Qaramada Midoobey Soomaaliya iyo maleeshiyaad Soomaali ah, waxaana dadka duqeyntaa ku dhintay ka mid ahaa odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed.

Waxaan sidoo kale duqeyntaas dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay ka mid ahaa Wariyayaal iyo Suugaanyahanno Soomaaliyeed, halka tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Soomaaliya waqtigaa waxaa ka jiray dhibaatooyin kala duwan, sida macaluul, gaajo, dagaallo Sokeeye iyo barakac baahsan, taasoo keentay in caalamku u soo gurmado.