Madaxweynaha DDSI oo Dembiyo Culus oo Ka Dhacay Deegaanka Dusha u Saaray Taliyihii Hore ee Sirdoonka Ethiopia

MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR IYO TALIYIHII SIRDOONKA ITOOBIYA

Addis-Abab(Aftahannews)- Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa ku eedeeyey Taliyihii Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Getachew Assefa inuu cabsi-gelin iyo hanjabaad ka waday deegaannadooda, isla markaana dhibaato binaa-aadaminnimo oo tacaddiyo iyo xasuuq isugu jira oo deegaankaas ka dhacay masuuliyaddeeda lahaa Taliyahaasi, sida uu Cabdi Maxamuud Cumar ku dooday mar uu Khamiistii Maanta Baarlamaanka Khudbad ka horjeediyey, isagoo u muuqda inuu iska fogeynayo eedaymahaas oo qaar badan isaga laftiisa loo haysto inuu masuul ka ahaa.

MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR IYO TALIYIHII SIRDOONKA ITOOBIYA

Madaxweynaha oo warbaahinta deegaanka waraysi siiyay ayaa sheegay in Getachew uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo midka xisbiga uu ka tirsanaa ee talada dalka hayayba. Madaxweynuhu sheegay in caqabad weyn uu ahaa madaxii hore ee hay’adda Sirdoonka dalka, Getachew Assefa ee dhawaan xilka laga qaaday”Muddadii dheerayd ee uu xilka soo hayey wuxuu deegaanka soomaalida Itoobiya ku hayey faragelin aan geed loogu soo gabban oo weliba sharci darra ah”.

Wuxuu ku eedeeyey cabsi gelin, hanjabaad, khiyaano iyo qofka oo dambi aannu gelin uu dusha ka saaro, si ka baxsan mabaadii’da siyaasadeed ee xisbiga talada haya ee isaguna uu ka tirsanaa. “Faragelintiisuna waxay gaadhay heer uu shaqsiyaad madaxweynenimo u soo magacaabo oo ay xafiiska iigu yimaaddaan iyaga oo leh madaxweynenimo ayuu Getachew Assefa ii soo magacaabay.” ayuu sii raaciyey.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud wuxuu sheegay in arrimahaas ay ku wargeliyeen xisbiga talada haya.Wuxuu ku eedeeyey in Addis Ababa uu ku uruurinayey shaqsiyaad uu sheegay inay deegaanka ka geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dil, dhac iyo mususqmaasuq, waxaanu yidhi; “Waxaan aaminsanahay falalka dalka ka socda ee la rabo in lagu hakiyo isbeddelka dalka ka socda in ninka la yidhaahdo Getachew Assefa uu ka dambeyo.”

Getachew Assefa oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigreega, muddo badanna soo ahaa madaxa hay’adda sirdoonka dalka Itoobiya, waxaa xilka laga qaaday bishi hore waxaa lagu beddelay jeneraal Adem Mohammed oo ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada.

Dalka Itoobiya waxaa ka socda isbaddel dhinacyo badan taabanaya oo ay siyaasadda iyo amnigu ka mid yihiin, waxaanu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ugu baaqay Jabhadda ONLF ee ka dagaallami jirtay dhulka Soomaalida Itoobiya inay nabadda qaataan oo ay ka faa’iidaystaan Fursadda uu bixiyey Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Itoobiya, isla markaana ay dalkooda yimaaddaan oo ka qayb-qaataan horumarkiisa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.