Xulka Faransiiska oo Caddeeyey in Guulahooda uu Horseed u Yahay Khuruufaadka Sixir-ku

Moscow(Aftahannews)-Waxa daaha laga qaaday sabab khuraafaad ah oo ay ciyaartoyda xulka faransiiska aaminsanyihiin inay tahay sababta guulahooda isdaba jooga ah ee koobka aduunka oo ay haatan ka gaadheen Final-ka, Les Bleus ayaa ka adkaaday xulka Belgium habeenimadii salaasada si ay u gaadhaan Final-ka tartankan ka soconaya dalka Ruushka.

Sababta ay xiddigaha faransiiska aaminsanyihiin inay ka dambayso guulahooda ayaa ah inay taabtaan oo ay salaaxaan shaarubaha difaaca dhexe ee xulkooda ee Adil Rami kaas oo isagu inta badan keyd ka ah xulkaas isla markaana aan muhiim ka ahayd shaxda tababare Didier Deschamps.

Khadar Jacayl