War Degdeg Ah: Qarax ka dhacay goob uu ka khudbeynayay ra’iisal wasaaraha Itooiya

Addi Ababa(Aftaahannews)-

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addib Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay meel aan ka fogeyn goob uu ka khudbeynayay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la hadlayay Kumannaan ruux oo isugu soo baxay dibedbax isaga lagu taageerayay.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Qaraxan uu u muuqday mid lagu carqaladeynaayay khudbadda Abiy Ahmed,islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro yar oo dad ah.

Kaddib Qaraxa waxaa ra’iisal wasaaraha markiiba isku gadaamay ilaaladiisa gaarka ah si loo xaqiijiyo badqabkiisa.

Isku soo baxan ayaa waxaa soo xaadiray kumanaan ka mid ah Shacabka Itoobiya,kuwaasoo taageerayay Isbadelka dhaqaallaha ee dhawaan uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed tan iyo markii xilka ra’iisal wasaaraha Itoobiya loo dhaariyay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo dib loogu soo celinayo xasiloonida dalka looga gudbayo khalalaasaha siyaasadeed, isaga oo sii daayay tiro badan oo siyaasiyiin u xir xirnaa arrimo siyaasadeed ah.