Ciidamada Dab-demiska oo Neefkii Labaad ee Geel ah Ka Soo badbaadiyay Bullaacad

Hargeysa (Aftahannews) – Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta Abaaro 3:00 galabnimo Gurmad u Fidiyay Neef Geela oo Ku Dhacay Bullaacad Ku Taalla Xaafada new Hargeysa ee Magaalada Hargeysa.hawlgalkan oo noqonaya neefkii labaad oo muddo laba cisho gudahooda ciidanku ka soo saaro bullaacad.

Ciidanka Dabdemiska ayaa Dadweynaha Goobtaas joogay ku soo Wargeliyeen Yeedhmadaas, waxaana Ciidanku u Baxay Gurmadkaa waxaana isla markii Ciidanku Isticmaalay Qalabka Badbaadada ee Sallaamada iyo Xadhkaha iyo Gaadhi Wiish ah, Waxaana Muddo Kooban ciidanku Godkaas kaga soo saaray Neefkaasi kuna Guuleysteen iyadoo Hawlgalkaa Ciidanku ku soo Badbaadiyeen Awrkaa uu Hogaaminayay Taliyaha Xarunta Qaybta Labaad.

Neefkan ayaa u daaq tagey Geed Ciina oo ka dulbaxay Bullaacadaas, waxaana kadib ay sababtay in neefkaasi uu ku dhaco godkaas maadaama uu godkaasi aad u jilicsanaa.
Waxaa Muddooyinkii u dambeeyay soo badanayay Dadka iyo xoolaha ku dhacayay Musqulaha iyo Godadka iyadoo sabab ay u tahay Dhismayaasha Godad kaasi oo ah kuwo duugoobay isla markaana aan dayactir lagu samayn.

Gabagabadii waxaa Ciidanka Dabdemisku Dadweynaha uga digeen inay ka Fogaadaan Goobaha Musqulaha iyo Bullaacadaha oo wakhtiyadan dambe Khatarahoodu aad u soo Bateen.

 

geelgeel1 geel4geel5geel6geel7geel9