Safaaradda Jabuuti ku leedahay Hargeysa oo Soo Saartay Ogeysiis Ku Socda Dadka Reer Jabuuti ee Ku Nool Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Safaaradda Somaliland ee magaalada Hargeysa Ku tallaa Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa Baaq u diray Dadka Reer Jabuuti ee ku sugan Somaliland, gaar ahaan kuwooda wakhtigii Talax-gabka ku dhaw inay 23-ka bishan iska xaadiriyaan Xarunta Safaaradda ee Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, si loo diiwaan geliyo.

Waxa uu Safiirku Faahfaahiyey waxa looga baahan yahay Dadka Reer Jabuuti ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, muddada oo kooban awgeedna waxa uu ku adkeeyey inay ajiibaan Baaqiisa. Waxaanannu Ogeysiiska Safiirka Jamhuuriaydda Jabuuti u fadhiya Somaliland idiinkus oo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.