Cabdisalaan Yaasiin oo Shaaciyey inay Xukuumadda Muuse Biixi Ku Mashquushay Waxaan looga Fadhiyin

Hargeysa(Aftahannews):- Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi looga fadhiyey inay wax wayn dalka iyo dadka ka qabato, isla markaana horumar iyo ku dhaqanka sharciga hirgeliso, hase-yeeshee, aan looga fadhiyin inay ku mashquusho burburinta Shirarka Beelaha.

Cabdisalaan Yaasiin oo la hadlay Star TV Jimcihii Maanta, ayaa ka hadlay qodobbadaas iyo kuwo kale oo kala duwan oo Somaliland iyo Soomaaliya la xidhiidha, waxaanannu Waraysigiisa oo dhan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.