Xukuumadda Itoobiya oo Xayiraadda Ka Qaadday Shabakadaha Internetka iyo Telefiishanno Hore loo Xidhay

CALANKA DAWLADDA ITOOBIYA SAFIIR SOOMAALI AH OO AY ETHIOPIA U MAGACAWDAY SOOMAALIYA 2017

Addis Ababa(Aftahannews)- Xukuumadda Itoobiya, ayaa sheegtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xannibnaa.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha, Fistum Arega, ayaa sheegay in xorriyatul qowlka uu yahay xaq aasaasi ah, helitaanka xogtana ay tahay arrin lagama maarmaan ah. Arrintan ayaa astaan u ah isbeddello xoog leh oo dalka uu ka wado ra’iisal wasaaraha cusub, Abiy Ahmed.

In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internetka, waxayna xidheen maxaddado TV, kuwaasoo loo arkay in ay afdheer yihiin.

Xigasho BBCSomali.com.