Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim oo gaadhay Singapore iyo Donald Trump oo ku sii jeeda Maxayse Kala Kulmi Doonaan Halkaasi?

Filed under: Daba-galka Xogaha Qarsoon,Wararka |

Singapore(Aftahannews):-  Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim oo

gaadhay Singapore iyo Donald Trump oo ku sii jeeda, Maxayse Kala

Kulmi Doonaan Halkaasi?

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa gaaray dalka Singapore, halkaasoo uu ka dhici doono kulanka taariikhiga ah ee isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Kim Jong Un ayaa diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Pyongyang, waxaa garoonka diyaaradaha Singapore ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas.

Diyaaradda uu la socday Kim Jong Un oo nooceedu ahaa Ilyushin-62M jet, taasoo la sheegay inay ku soo hakatay magaalo ku taalla Shiinaha oo ay shidaal ka soo qaadatay, ka hor intaysan u duulin dalka Singapore.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa in goor dambe oo Axada maanta ah uu gaaro Singapore.

Kulanka taariikhiga ah ee labada Hoggaamiye ayaa maalinta Talaadada ka dhici doona Jaziiradda Sentosa ee dalka Singapore.

Waxaa uu noqon doonaa markii u horeysay oo Hoggaamiye Waqooyi Kuuriya uu la kulmo Madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska jooga.

Xamse Xareed Aftahannews.com Hargeysa

Share Button

You must be logged in to post a comment Login