Waa Maxay Hadimooyinka Axmed Faarax Idaajaa ka Galay Somaliland? W/Q- Maxamed Cabdi Muxumed

MAXAMED FAARAX IDAAJA.jpg

Waxa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland booqasho ku jooga ninka murti dhaadhiga sheegta ee Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo horseed u ah dadka reereeya suugaanta Soomaalida.

MAXAMED FAARAX IDAAJA.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Faarax Cali (Idaajaa) waxa uu caan ku noqday inuu si aan dheeli-tirnayn u buun-buuniyo suugaanleyda ka soo jeeda gobollada Soomaaliya ee uu ka soo jeedo, halka uu hoos u dhigo abwaannada waaweyn ee ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku colaadiyo kifaaxii halgankii hubaysnaa ee shacbiga Somaliland la galeen taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo ay isku ardaa ahaayeen.

Xeel-dheereyaasha suugaantu waxay Idaajaa ku sifeeyaan inuu calanka u sido dadka liin-bixiyey  suugaanta Soomaalida. Bal aan afar qoddob ka soo qaato gabood fallada uu ku sameeyey abwaannada waaweyn ee reer SomalilandL-

Axmed Faarax Cali (Idaajaa) waxa uu daabacay buug uu kaga Hadley maansadii caan-baxday ee Deelaydii oo uu isaguna ku jiray, waxaanu maansadaas ku tilmaamay “Mid dumisay dawlad weyn oo Soomaaliyeed oo kacaan ah.” Waxa uu   si indho la’aan ah reernimo ugu taageersanaa taliskii Af-weyne ee xasuuqay in kabadan  konton kun oo qof oo rayid ah oo aan waxba galabsan.

Mr. idaajaa wuxuu buugiisa ku daadifeeyey artagtidii saliimka ahayd ee Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo uu ku tilmaamay “Abwaan ay yaqaaneen uun saaxiibadii” waxaanu yaraystay hal-abuurnimadii iyo hibooyinkii naadirka ahaa ee ILAAHAY ku galaday Marxuum- Gaariye.

Sidoo kale, waxa uu maagay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay), waxaanu ku eedeeyey inuu Maansadii Deelayda ay gelisay “Xiqdi iyo cadho uu u hayey Abwaan Sangub oo Agaasimihiisa ahaa.”

Mr. Idaajaa, intaas kumuu joogine wuxuu cambaareeyey  ALLE ha u naxariistee  abwaan Khaliif oo ahaa hal-abuur ka soo jeeday Gobollada Puntland ee waddanka Soomaaliya, waxaanu ku dheel-dheelay sidii loo dilay waxaanu yidhi  “Khaliif lama garanayo in ay qudhmistii dishay  iyo inay Itoobiya khaarajisay.” Wuxuu ka difaacayey dawladdii Soomaaliya ee uu ka mid ahaa dadkii sida diinta u rumeeyey taliskii hororka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey.

Sidoo kale waxa la isku raacay in Mr. Idaajaa uu biyo dhiciyey Barnaamijka Dhaqanka ee laanta afsoomaaliga ee VOA-da oo uu ka dhigey gole uu ugu abtiriyo suugaanleyda reerkiisa.

Maxamed Cabdi Muxumed

Hargeysa/Hargeysa.

Ujeeddada iyo Dulucda Qoraalkani kama turjumayso Aragtida Bahda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, xurmo, xishmayn iyo saamayn kasta oo taban ama togan oo uu leeyahay waxay gaar u tahay oo ka masuul ah qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay dhammaadka qormada. Balse keliya Masuuliyadda Aftahan waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada iyo Qalin-maalku is-weydaarsanayaan, kuana cabbirayaan hadba marxaladda taagan iyo waxay dareemayaan, sida ay dammaanad qaadayaan Dastuurka dalka iyo Xeerarka caalamiga ah ee xorriyadda cabbirka fikirka.