Guddiga Midawga Arrimaha Bulshada ee Gobolka Buuhoodle oo Dhalliilo u Jeediyey Wasiirka Hawlaha Guud C/Rashiid Qanbi

Buuhoodle(Aftahannews):- Guddiga Midawga Arrimaha Bulshad Ee Gobolka Buuhoodle Oo Dhaliilo U Soo Jeediyey Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Qanbi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

(Buhodle)_Gudoom iyaha eearimaha bulshada Gobolka Buuhoodle ayaa ka warbixiyey kulan ay ku yeesheen xarunta gobolka ee buuhoodle dhammaan waaxaha arimaha bulshada ee gobolkaas ay ka kooban yihiin, kulaankaas oo ahaa mid ay kaga arrinsanayeen hab maamulka gobolka iyo dariiqa uu u maray wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta, wasiirkaas oo ka mid ah wasiiradii dawlada cusub ee madaxweyne muuse biixi isla markaana ka soo jeeda gobolkaas.

ka dib waxay isla qaateen dhamaan ururada bulshadu in ay tahay talaabooyinkiisa hab maamul, kuwo aanay kala maarmi karin inay gaadhsiiyaan xukuumada, iyagoo cabshooyinkooda nuxurkooda soo ururinaya. waxaana ay ku qodobeeyeen sidan,

”Waxaanu maanta oo ay taariikhdu tahay 3/6/018 kulan aanu isugu nimid dhamaan ururada bulshada ee ku hawlan u adeegista bulshada ku dhaqan goblka iyo nawaaxigiisa ku caddeynaynaa halkan, kuwaas oo ah kuwo aanu kala maarmi kari weyney xukuumada cusub ee uu gahdwadeenka ka yahay madaxweyne muuse cabdi, kuna aaddan hab maamulka wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta ee somaliland.

,Hab dhaqankaas oo ah mid aan dan u ahayn shacabka deegaanka isla markaana ka fogaynaya ka mid noqoshada jiritaanka qaranimada somaliland iyo kalsoonid ay shacabkani u hayaan,waxaanuna halkan ku soo ururinay dhaliilaha aanu u soo gudbinayno xukuumada dhexe.

1. Ugu horreyn waxa uu joojiyey dhammaan adeegyadii hore uga socday xarumaha heer degmo iyo heer gobol ee arimaha bulshada, isagoo soo kordhiyey xilligiisan damac ah inuu qofkasta booskiisii ku badalo qof ay isku beel yihiin.

2. Waxa uu xidhiidh la sameeyay madaxwayne ku xigeenka puntland oo u ah sodog isagoo masiirkii buuhodle ee qaranimada somaliland noqday mid dhaafsaday la wadaagis xukuumad kale iyo xididitinimo, dantii qarankana si ka dhan ah ula wadaagay, waxaana taas caddeyn u ah in aanu cag soo dhigin gobolka mudadii koobnay ee inay camay uu da’yarta buuhoodle u raranayey goobo dagaal oo aan dan u ahayn shacabkan

3. Waxa uu u balan qaaday ina camay inuu siin doono lacagta ku baxaysa soo dhawaynta markuu wasiirku imanaya buhodle, ka dib ambabixiisa taasoo cadayn ay u tahay caawa markuu ambabaxay safarkiisan ku soo aaday

4 Waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee aanu ku dhaliilayno in uu shaqadii wasiirnimo ee loo igmaday ay ku shaqaysanayaan dad kale kuwaas oo durba ka horkeenay shacabkii buhodle, iyo jititaankii somaliland ee ay aaminsanaayeen una sahlay in puntland ay doorbidaan ka dibna ku danaysato.

5. waxaa kale oo intaa raacda isagoo wasaarad kasta geeyay isuduwe reerkooda ah ama ay qaraabo yihiin dadkii kalena ka xidhay albaabka.

Sidaa awgeed waxaanu xukuumada dhexe ee jamhuuriyada somaliland ka codsanaynaa in ay nala eegto, sidoo kale u fiirsato dhalliilahayaga kuwaas oo aan ahayn kuwo anaga oo qudha dan noo ahayn ee jiritaanka xukuumada Somaliland iyo maamul daadejinta ay xilligan ku hawlan tahayba wax weyn u dhimaysa.

Wabillaahi tawfiiq.

Gudoomiyaha guud ee arimaha bulshada Gobolka Buuhodle

Mohamoud Hajji xusseen jibriil caateeye

mrxaaji@hotmail.com>

Xigasho Saxafi.