“Madaxweyne Kelidii Taliye ma Tihid, laakiin Kelidii Shaqeeyaad Tahay…!” Qalinka Sheekh Cabdiqaadir Jaabir

Sheekh Cabdiqaadir Jaabir oo Muuse Biixi Talo Dhaxal-gal ah u Jeediyey 2018

Asc Ramadaan kariim Madaxwayne nasteexadan furan waa mid ay tahay in si muuqata luguu yidhaa xilligeedana waafaqsan fadeexad iyo Mucaaradad midna ma xambaarsana ee kusoo dhawaawaw.

Sheekh Cabdiqaadir Jaabir oo Muuse Biixi Talo Dhaxal-gal ah u Jeediyey 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxwayne naso naftaada iyo shaqada qarankana xaqooda sii, way muuqataa oo waad shaqaynaysaa lakiin shaqada halganka kadaa taladana sidaad u baahisay shaqada u baahi.

Madaxwayne ilaa maalintii lagu doortay maad fadhiisan kursiga iyo qasriga toona,!! intii ay kugu lahaayeen!!. socod iyo ka dhextoos kadiso ah iyo fulin baa kaa muuqata difaac iyo weerar adigaa ah bari ilaa galbeed xeeb ilaa oogo adaa taagan aaway dadkii shaqadan lahaa? maxay iyagu safka hore uga muuqan laayihiin? Waa la tabayaa gabigooda rag iyo dumar shaqaale sare iyo kuwa hoose.

Madaxwayne bal u fiirso sawirada iyo wararka dhacdooyinka inta aad maamulka haysay kulasoo darsay dhamaantood adaa hogaan iyo hormood ka ah taasi maaha xal ee waa xiiq ma dadkii aad dirataybaa hawshoodii gabay mise nin walba waad la shaqaysaa!?

Madaxwayne naso oo waad sooman tahee shaqooyinka qaarkood halagaa furto hadii kale durtaba diif iyo daalbaa wajigaaga ka muuqda. Haday sidaa kusii socotona sidii madaxwaynayaasha qaarkood baa lagu odhan maalin dhaw wuu bukaa iyo wuu jiifaa. Isha allaahuna dhici mayso ee caafimaad kuwaar aamiin.

Madaxwayne hadii aad shaqo kasta adigu samayso qarsoonaw shaqooyinka qaarkood oo ha horboodin oo ha dhex boodin waayo qaarbaaba amaankaagu sugnayn oo ku cawari kara wadankuna waxuu ku jiraa xaal dagaal iyo xaal dedaal intaba markaa adigu hogaamiye waad tahay lkn shaqo kasta ma fulin kartid.

Madaxwayne shaqo kasta sheeda kala soco lakiin kuwa aan ku khusayn baro waxaana ii muuqata in xidhayaashaadu yar yihiin ama la taliyayaashaadu waayo ma aragno wali cid mucaarid ah oo shaqooyinka qaar aad wax kasiisay xataa haday diidaan kusoor oo ugu yeedh iyadoo la arkayo oo soo hadalqaad haba diidaan ama ha maqnaadaane waayo iyaguba waa hawlwadeeno qaran khaasatan kuwa samafalka, dhaqanka, iyo diinta ama xaaladaha deg dega ah.

Madaxwayne daadadkii hargeisa dooxyadii fatahay xiligii aad taagnayd waa la ogaa duufaantii xeebaha iyo dagaalkii tukaraq waa la ogaa tartankii quraanka kariimka ah waa la ogaa khaasatan dhamaantood adigaa hogaamiye iyo hormood ka ah dhinacna maxbuuska xidhan waadiga la afuraya dhamaantood hambalyo iyo ducaad ku kasbatay waana la ogyahay Madaxwayne. Laakiin, Madaxwayne miyaanay cid kale oo shaqaysaa jirin? Haa balse ma adigaa cadilay mise way iska nasanayaan ? jawaabtu waa nasteexo inaad hogaanka muuqada ee shaqo kasta sii dayso, oo aad naftaada iyo tan shaqada utudhato, waxogoo sidan ka hoosaysa ilaa kala badhan shaqo kasta qiyaastii.

Madaxwayne iska jir halista amni darro ee meelaha qaarkood oo shaqada masuuliyiinta ilaalinta amnigaana hacadiliin si aanay hadhaw gabood fal iyo canaani qarankan usoo wajihin, waayo ka hortaga ayaa ka fiican daawaynta adigu taas waa laguu qaabilsan yahaye kama talisid sugida amnigaaga, ma bixi kartid xiligaad doonto, meesha aad doonto, xattaa cidaad doonto ma raaci kartid, uma tagi kartid uma yeedhan kartid waxaasi oo dhami baadhis iyo protocol officer ayay doonayaan waana shaqo qaranku leeyahay khaastan laamaha amniga.

Madaxwayne xiligii aad shacbiga ahayd wuu dhamaaday xili aad maamul tahay laguna maamulo ayaad ku jirtaa ee waxqabadka wax maqal ku darso oo nasasho qaado hawlaha qaarkoodna dadkooda u daa, waayo shaqadoo xumaata badhkeed waa sune dhaliishuna kolay way jiraysaa hadaad daasho iyo hadii kale maamulkaaga waa u canaan iyo cay joogto ah amaantuna iib maaha ee waa astaan aad kaga tagi doonto xiligii aad shaqada haysay ee lagu doortay.

Madaxwayne qaranka oo dhan iyo muwaadin kastaa wuxuu rabaa inuu kula shaqeeyo isagoo aan mushahar qaadan ama dawlada u diiwaan gashanayn oo aanad magacaabin, taas fahan oo dadka shaqada sii oo shaqeeya dheh.

Madaxwayne dadku ma rabaan inay ku arkaan oo aad u tagto lkn dadka la hadal adoo fadhiya ama qofba maalin u yeedh ka hadal tv ga ama radiyaha saacad badhkeed wiigii maalin bishii sadex jeer samayso barnaamij aad ku leedahay warbaahinta

Dadka wax u sheeg oo fahansii waayo dhamaantood kulama kulmi karaan manawada haleelaysid madaxwayne, waxaad tahay madaxwayne dadku arkeen inuu daacad yahay lkn xanaaqa iska daa iyo canaanta faraha badan dabeecadii aad u dhalatay xilku wax haka bedelo oo ha noqon madaxwayne laga baqo ee iska dhig madaxwayne lagu farxo oo la isku haleeyo

Madax waye waxaa soo badanaya mucaaradkaagii adigoon wali sanad xilka hayn lkn shaqada waad taqaan ee dadka baro wax dabci oo bulshada nooceeda kala duwan dhinaca kula jooga maahee dhinicii kale doon khaasatan muxaafid iyo mucaarid sokeeye iyo shisheeye madaxawayne sharciga iyo dulqaadka labadaba ka shaqaysii adigaa dabcin kara sharciga aan ka illaahay ahayn waayo caadaladu waxay masuulka ugu sareeya siisaa awood dheeraada oo uu wax ku kala basriyo isagaa wax cafin kara waxna dhaafi kara

Madaxwayne haddii aad cafido Qof Qaanuunku xidhay way kuu banana tahay hadii aad xidho Qof aan wali qaanuunka la horgayn adigaa dawlad ah adigaa laamaha oo dhan wada xukuma oo ay ku hoos yimaadaan sharci aanad lasocon lama fulin karo, sidaa darteed qof kasta waad xidhi kartaa oo eedaysane u muuqda ilaa inta lagu helayo gef ku cad, waxaasi oo dhami waa distoori waxaasi oo dhami waa fulintaada lkn ha baqan oo cadaalada iyo ikhtiyaarkaagu yaanay is xanibin waxoo calool adayga samee oo ha odhan hebel iyo sharcigu hasoo kala baxaan iyagaa is haystee adigaa sharci ah ee waxaad tidhaa anaa xidhay qofkastoo sharciga ka horyimaada kii sharcigu sii daayana anaa sii daayay waa Ragannimo taasi waana badheedh cad oo lagu yaqaano Adoo kale Madaxwayne.

Waxaan kusoo gabagabaynyaa madaxwaye duco in allaah kuu fududeeyo xilka iyo shaqada aad hayso faraskuna isagoo ordaya ayaa usha lagu dhuftaa nasteexaduna waa sidaa madaxwayne raali noqo hadii aan ku xanuujiyay hadii aan ku xasuusiyayna waynu isku lahayn waana rayi mari kara meel aan ku haboonayan lkn madaxwayne naso oo shaqadaada gaarka ah haku khusayso tii aad cid u igmatayna faraha uga qaad meel walba iyo shaqo walbana haka dhex muuqan allaah mahadle.

Qalinka Cabdiqaadir Carab Warsame (Jabir Herbalist)

Hargeysa/Somaliland.