Go’aamada Xukuumadda iyo Is-khilaafka Heerka Dhaqaale ee Dalka! Qalinka – Sucuud Cabdi Faarax

SUCUUD CABDI FAARAX 2018

Waxaa muddadii u dambeysay saameyn wayn ku yeeshay Bulshada iyo Ganacsatada go’aammadii ay Guddida loo xil saaray Sicir-bararka ee Xukuumadda Somaliland ay ka soo saareen adeegyada telefoonada gacanta iyo sarifka lacagaha qalaad, iyada oo ay Xukuumaddu ka duulayso la dagaalanka Sicir-bararka Badeecadaha kala duwan si ay u dhalato suurto-galnimada in la dhiiri geliyo in la adeegsado noodhka ama shillinka Somaliland wax ku iibsigiisa iyada oo loo adeegsanayo dhamaan qaybaha kala duwan ee ganacsiga iyo iibkiisaba.

SUCUUD CABDI FAARAX 2018

29 January 2018, waxay Guddigaasi go’aamisay in la kordhiyay cashuurtii hore looga qaadi jiray shirkadaha qaadka ka ganacsada halka ay go’aamiyeen in adeegyada shirkadaha isgaadhsiinta ee lacagaha dolarka ah la isugu diri jiray in loo bedelo kuwo loo adeegsado shilinka Somaliland.

Haddii Masaladaa loo eego si cilmiyeysan waxa Somaliland ku soo fool leh dhaqaale xumo si wayn u saameyn doonta una dhigan sida :-

71% heerka waxa kala iibsi iyo iibineed guud ahaan Somaliland uu ahaa January ilaa February 24 keedii adeegyada Zaad iyo E-dahab 40% , halka sarifka shilling Somaliland 20% uu ahaa dollar kuna 12%.

55% uu iibku ahaa February 27 keedii ilaa 19kii March ,  wax kala iibsiga adeegyada Zaad iyo E-dahab waxa uu ahaa 33% , halka lacagta adag shilling ka Somaliland 7% oo sidoo kale dollar ku ahaa 5% , sariifka lacagaha isku bedelkooduna ahaa 10%

Wuxuu noqday  March 25 keedii iyo bilaha soo socda guud ahaan iibku  27% , adeegyada zaad iyo edahab 7% , sarifka shilling ka 13% , dollar 7%.

Haddii iibku sidaa ku sii socdo bilaha April iyo May waxay saameyn xooga ah ku yeelan doonta dhamaan maceeshada bulshada Somaliland oo ay dhinacyo badan taaban doonto haddii lagu sii socdo go’aamadii aan wax ku oolka ahayn ee Xukumaddu la gashay ganacsatada, waxaa iyaduna qayb ka qaadan doonta kordhinta biyaha caasimada oo markii hore 1 mitir kuyuub lagu cabi jiray 9500 shilling Sl uu haatan noqday 1 halka mitir kuyuub 14500 shilling Sl gebi ahaanteedna ka dhigi doonta ku noolaanshaha caasimada jamhuuriyada Somaliland magaalo nolosheedu adag tahay oo aan danyarta kuwooda ugu liitaa aanay kuba noolaan karin .

Waxa iyaduna saameyn laxaad leh ku yeelan doonta guud ahaan dhamaan isu socodka badeecadaha iyo wax kala iibsiga badeecadaha go’aamadii laga gaadhay shirkadaha Maamula Haamaha Kaydka Shidaalka ee Ganaaxa la saaray, maaddaama oo lagu eedeeyay inay shidaal xun Waddanka keeneen, kuwaasi oo ay ka mid tahay Shirkadda Red Sea patroulem oo si gaar ah loo ganaaxay, arrimahaasi waxay saamayn ku yeelan doonaan Gaadiidkii loo adeegsanayay inay qaadaan badeecadaha kala duwan, maaddaama oo lagu jiro bishii barakeysnayd ay iyaguna la kulmeen wakhtigan in ay kor u kacaan ascaarta shidaalka gaadiidka oo ahayd saddex bilood ka hor 5 litir ee patrol ka ahi 27,500 shillinka Somaliland ah, halka uu haatan ka yahay 55000 kun oo shillinka Somaliland .

Haddii sida ugu dhakhsaha badan wax laga qaban waayo waxay noqonaysaa in Somaliland ay gasho marxaladii ugu adkayd dhinaca dhaqaalaha ee aanay soo marin 27 kii sanadood ee ay jirtay.

Wa Bilahi Tawfiiq .

Sucuud Cabdi Faarax

Facebook:- Sucuud Farah

Twitter:- Sucuud94

Gmail:- Sucuud94@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.