Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay arrimo Badan, Sheegayna inay Wadahadleen Farmaajo iyo Gaas

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay  inuu wadahadal la galay Madaxweyneyaasha Federaalka Soomaaliya Farmaajo iyo Puntland Cabdiweli Gaas, isla markaana uu Gaas yahay Nin aan la aammini karin oo Bilaa Ballan ah.

BREAKINGNEWS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay Tirada Dadka ku dhintay Roobabkii Duufaanta watay ee Xeebaha Somaliland ka da’ay toddobaadkii hore oo uu sheegay inay marayaan 49 Ruux.

Madaxweynaha Somalialnd waxa kale oo uu ka hadlay dagaalka Tukaraq, Shaqaaqada Ceel-afweyn iyo Xadhigga Boqor Buurmadoow. waxa uu sheegay inay dawladdu tallaabo dag ka qaadi doonto oo ay la dagaallami doonto Qof kasta oo nabadgelyada ka hor-yimaadda. Waxaanu intaas ku daray in Fashilaadda ka taagan Ceel-afweyn la wada leeyahay dawlad iyo Shicib-ba.

aftahaninc@gmial.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.