Somaliland: Tirada Dadkii Roobabka Duufaanta Wataa Dileen oo Maraysa Konton Ruux iyo Xogta Dhaawaca

MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND OO ISKA WARAYSANAYA KHASAARAHA DUUFAANTA 2018

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in tirada Dadka ku dhintay Roobabkii Duufaanta watay ee ka dhaxay Xeebaha Somaliland ay gaadhay ugu yaraan Konton Ruux oo intooda badani ku dhinteen deegaannada Buuralay-Xeebeedka ah ee ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal toddobaadkii hore, halka Dhaawacana uu ku sheegay illaa toban Qof.

MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND OO ISKA WARAYSANAYADUUFAANTA 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Dadka dhimashadiisu konton Qof bay gaadhay marka laysu geeyo, gobolka Awdal ha u badnaato, gaar ahaan degmada Lughaya, Dadka Xeebaha kala duwan ku dhaawacmay illaa toban Qof bay noqonayaan. Waxa kale oo jira Beerihii oo wada ba’ay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo Caawa u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Waxa kale oo uu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay inay Roobabka Duufaanta watay sababeen inay Dhintaan badi Xoolihii ku dhaqnaa Dhulka Xeebaha ah ee Somaliland min Sanaag illaa Selel, sidoo kalena ay Roobabkaas Dabaylaha watay dumiyeen Kumannaan Guri, isla markaana ay go’een badi Waddooyinkii meelaha ay Duufaantu haleeshay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland inay Somaliland si walaalnimo leh ugu soo gurmadeen Dawladaha Jabuuti iyo Imaaraadka Carabtu. Hase-yeeshee, ay Hay’adaha laftoodu door fiican ka qaateen gurmadka iyo samato-bixinta Dadka Daadadka iyo Duufaantu saamaynta taban ku yeesheen ee ku dhaqan Xeebaha kala duwan ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Roobka Duufaanta wata oo Jimcihii hore ka bilaabmay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag uu waxyeelay Kalluumaysato uu ka qaaday dhawr iyo toban Laash oo kuwa kalluumaysiga ah, saameeyayna Xeebaha inta badan gobollada Awdal iyo Selel.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.