Maraykanka oo Sheegay inuu Toban Al-Shabaab ka Tirsan ku Dilay Weerar uu ka fuliyey Koonfurta Muqdisho

DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA OO MUQDISHO WEERAR KA FULIYEY

Muqdisho(Aftahannews):- Ciidammada Mareykanka oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa fuliyey weerarro dhanka Cirka ah, oo lagu bartilmaameedsanayey Fadhiisimmo ay Maleeshiyaada Al-shabaab ku leedahay Soomaaliya.

DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA OO MUQDISHO WEERAR KA FULIYEY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Weerarkan ayaa ka dhacay meel 15 mile koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho. Weerarkaas ayey Taliska Ciidammada Mareykanka Afrika ee Africom sheegeen in ay ku dileen 10 ka mid ah Argagixisada.

Africom ayaa sheegtey in ay khasaaraha weerarkaas qiimeeyeen, iyagoo xusey in aysan jirin wax rayid ah oo wax ku noqdey weerarkii ugu danbeeyey oo dhacay bishan 23-keedii.

Africom ayaa sheegey in ay ka go’an tahay in ay difaacaan muwaadiniinta Mareykanka, isla markaana ay cagta mariyaan qatarta argagixisada.

Africom ayaa sheegtey in, si ay u gaaraan ujeedkooda, ay wadashaqeyn iyo wax wada qabsi la leeyihiin AMISOM iyo ciidamada ammaanka qaranka ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen in wada wadaan howlgallada la dagaalanka argagixisada iyo weerarda lagu bartilmaameedsanayo xeryaha ay ku tababartaan iyo meelaha ay gabaadka ka dhigtaan ee gudaha Soomaaliya.

Xigasho VOASomali.com.