Fannaaniin Soomaaliyeed oo Puntland iyo Somaliland ugu Baaqay inay Joojiyaan Colaadda Tukaraq

Muqdisho(Aftahannews):- Qaar ka tirsan Fannaaniinta Caanka ah ee Soomaaliyeed, ayaa Somaliland iyo Puntland ugu Baaqay inay joojiyaan Dagaallada ku dhex-maraya deegaanka Tukaraq ee Bariga gobolka Sool, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in aan Cududdu shaqaynin ee ay Caqliga ka shaqaysiiyaan, Colaadda joojiyaan oo ay Ciidammada is-horfadhiya kala qaadaan.

Waxay Fannaaniintani ka hadleen sida ay nabadgelyada muddo ugu naalloonayeen Puntland iyo Somaliland oo ay xuseen inay amniga kaga duwanaayeen Soomaaliya inteeda kale oo hulcayey soddon sano iyo dheeraad. Waxay ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay in la dhawro Nabadda, wax kasta oo la isku hayana lagu dhammeeyo xal iyo wadahadal.

Waxaannu Warka iyo Baaqa Fannaaniintan Ragga iyo Dumarkaba isugu jira ee ka damqaday Colaadda Somaliland iyo Puntland ka dhex-taagan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.