Tirada Maxaabiis ka Baxsatay Xabsiga Laascaanood, Siday Oodda u Jabsadeen iyo Maamulka Sool oo ka Hadlay

XABSIGA MAGAALADA LAASCAANOOD OO MAXAABIISI KA BAXSATAY WAKHTI DAGAAL U DHEXEEYO SOMALILAND IYO PUNTLAND 2018

Laascaanood(Aftahannews):- Illaa 16 Maxaabiis ah, ayaa la la’yahay ka dib markii si xoog ah Maxaabiistu ay uga baxsadeen gacanta Ciidanka Asluubta gelinkii danbe ee maanta, waxaana arrintaas jiritaankeeda xaqiijiyey Maamulka gobolka Sool.

XABSIGA LAASCAANOOD OO MAXAABIISI KA BAXSATAY WAKHTI DAGAAL U DHEXEEYO SOMALILAND IYO PUNTLAND 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Illaa hada ma cada sababta ay Maxaabiista ugu suuragashay in ay la wareegaan Maamulka Albaabka hore ee Xabsiga oo ay u sahlanaatay ama u hirgeshay inay halkaas ka baxsadaan iyaga oo Ciidanka ilaalada ah ee Xabsigaasina goobta ku sugnaayeen, sida lagu sheegay Hiiraan.com oo aannu Warkan ka soo xigannay

“Waxaan ogahay oo keliya in ay baxsadeen 16 Maxbuus oo haatan la baadigoobayo, welina baadhitaan ayaa la wadaa, wixii sababayna dib ayaan ka ogaan doonaa.” sidaa HOL u sheegay Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir, sida aannu Hiiraan oo Guddoomiyaha Waraysatay ka soo xigannay.

Taliyaha Ciidamada Asluubta oo aan isku daynay inaan arrinta wax ka weydiinno waa suuroobi weydey, waxase Taliyaha Qaybta Booliska G/sare C/risaaq Maxamed Faarax in taliyaha iyo ciidamo kale ku hawlan yihiin sababta arrintan ku dhacday, jawaabtooduna waxa ay ku xidhan tahay waxa ka soo baxa.

Askari waardiye ahaa ayaa la sheegay in uu soo gaadhey dhaawac, sidoo kale maxbuus ayaa isna la sheegayaa, ilaa hada se jawaab looma hayo sababta keentay in maxaabiista oo isugu jira xukuno kala duwan ay awood ugu helaan in si sahal ah ku baxsadaan.

Baxsashadan Maxaabiista Xabsiga Laascaanood ee dibedda u soo baxday, ayaa ku soo beegantay iyadoo ay taagan tahay xaalad Colaadeed oo u dhexaysa Dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, isla markaana bishan gudeheeda laba jeer dagaal ka dhacay deegaannada Tukaraq ee Bariga gobolka Sool, isla markaana dagaalkii ugu khasaaraha badnaa Arbacadii shalay ka dhacay Tukaraq.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.