Ciidammo ka soo Goostay Maamulka Puntland oo isu soo Dhiibay Millateriga Somaliland

Taleex(Aftahannews):- 118 Askari oo ka mid ahaa Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland, ayaa isu soo dhiibay ama ku soo biiray Ciidammada Millateriga Somaliland, ka dib markii ay ka soo goosteen Ciidanka Qalabka sida ee Puntland, waxaanay Saraakiil Millateriga Somaliland ka tirsani ku soo dhaweeyeen magaalada Taleex oo ah xarunta gobolka Xaysimo.

Ciidammadan Sarkaal hoggaaminayey ayaa ka warramay sababta ay uga soo goosteen Ciidanka ay ka tirsanaayeen ee Puntland, waxaana hadallo kale halkaa ka jeediyey Saraakiil Millateriga Somaliland ka tirsan oo Ciidankaas qaabbilay, waxaanay Farriin u direen Madaxweynaha Somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka.

Waxay ku soo beegmeen Ciidankan isa soo dhiibay maalin ka dib markii dagaal dhimasho iyo dhaawac badan oo dhinac walba ahi dhex-maray Ciidammada Maamulka Puntland iyo Somaliland oo dhinac waliba dhinaca kale ku eedeeyey Masuuliyadda Weerarka Khamiistii shalay dhacay.

Hadallada Saraakiishaas iyo Warbixinta Warkoodaba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.