Jilaa Raysal-wasaare la doortay iska Dhigay oo Masuul Xil Culus haya Siro Siyaasadeed kala Hadlay

Boris Johnson
Boris Johnson

Mosco/London(Aftahannews):- Nin Ruush ah ayaa wacay wasiirka Arimaha Dibadda ee Britain Boris Johnson isaga oo isaga dhigay ra’iisulwasaaraha cusub ee dalka Armenia. Ninkaas ayaa la sheegay in uu yahay majaajilayste dadka ka qosliya, sida ay BBC-du faafisay.

Boris Johnson
Vladimir Vovan Kuznetsov and Alexei Lexus

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Codkan oo onlineka la galiyay ayaa laga maqli karaa wasiirka arrimaha dibadda ee Britain oo guusha doorashada ugu hambalyaynaya qofka soo wacay ka dibna sii wada oo kala hadlaya xiriirka Ruushka iyo UK, weerarkii kiimikada loo adeegsaday ee Salisbury ka dhacay iyo Suuriya.

Waxaa ka muuqata in wasiirka ay xiiso galisay markii ninka soo wacay uu u sheegay in Putin “uu saamayn ku leeyahay” Jeremy Corbyn oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha. Dawladda UK waxay rumaysan tahay in wicitaankaas uu ka dambeeyay xafiiska looga arrimiyo Ruushka ee Krimlinka.

Xog laga helay dublamaasi sare oo reer UK ah ayaa lagu sheegay “in arrintan ay u muuqato iskudaygii u dambeeyay ee Ruushku uu ku doonayo in uu ku badbaadiyo wajigiisa ka dib markii si caalami ah loogu ceebeeyay weerarkii Skripal oo ahaa jaajuus hore”.

Boris ayaase markii dambe ku baraarugay taleefankiina jaray. Dawladda Britain ayaa sheegtay “in baaritaan lagu samayn doono” sida ay u suuragashay in qofka taleefanka soo diray loogu gudbiyo wasiirka arrimaha dibadda.

“Ma ahayn in arrintaasi dhacdo. Baaritaan ayaa socda, si loo ogaado waxyaabaha la xiriira taleefanka, loona xaqiijin lahaa in aysan mardambe dhicin arrintaas oo kale”, ayay tiri haweenay u hadashay xafiiska ra’iisulwasaaraha Britain ee NO 10.

Graham Phillips oo ah saxafi Britain u dhashay oo Ruushka taageera ayaa barta YouTube soo dhigay codkan oo 18 daqiiqo ah, sida ay ku warrantay qaybta warqabadka ee BBC. Xuquuqda lahaanshahana waxaa la siiyay Vladimir “Vovan” Kuznetsov iyo Alexei “Lexus” oo ah labo ruux oo caan ku ah shactirada siyaasadda, waxaana daneeya warbaahinta rasmiga ah ee Ruushka. Halkan hoose ka Daawo Warkaas oo Muuqaal ah.

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.