Kuriyada Waqooyi oo Jawaab Kulul ka bixisay Go’aanka Madaxweyne Trump ku Baajiyey la Kulanka Kim Jong-un

DONALD TRUMP IYO KIM JON-UN OO WEEDHO KULUL IS-WEYDAARSADAY 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladda Kuuriyada Waqooyi, ayaa jawaab kulul ka bixisay go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay inuu ku baajiyey ama kaga baxay kulan madaxeed qorshaysnaa oo la filayey inuu bisha dambe la yeesho Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.

DONALD TRUMP IYO KIM JON-UN OO WEEDHO KULUL IS-WEYDAARSADAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warqad uu u diray Kim ayuu Trump ku sheegay in aanay haboonayn inuu kulankaa la yeesho, waxaanu ku sababeeyey waxa uu ku tilmaamay cadhada xoogga leh iyo colaadda muuqata ee uu hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ku muujiyey hadalladii dhawaan ka soo soo baxay.

Waxa kale oo uu sheegay in ay suurto gal tahay in kulankoodaasi qabsoomi laakiin waxa uu uga digay Pyongyan waxa uu ku sheegay falalka “doqoniimada” ah. Go’aanka Trump waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay dumisay xeradii ay ku tijaabin jirtay nukliyeerka, arrintaas oo loo arkay in ay ahayd farriin heshiis oo ay dhabbaha ugu xaadhaysay shirmadaxeedkaa haantan la baajiyey ee ka dhici lahaa Singapore.

Maamulka Trump waxa uu ku nuuxnuuxsanayey maalmihii la soo dhaafay in Kuuriyada Woqooyi aanay si waafiya ugu diyaar garoobayn shir madaxeedkaas taas oo qudheedu abuuraysay shaki ah in kulanku hadiiba uu dhaco ay waxa togani ka soo bixi doonaan. Maalmihii u dambeeyay labada dhinacba waxay ka digayeen in laga yaabo in dib loo dhigo amaba la baajiyo kulanka ay Trump iyo Kim u ballansanaayeen 12-ka Juun.

Pyongyang ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay ka fiirsan doonto kulankaa haddii uu Maraykanku ku adkaysto in Kuuriyada Woqooyi oo keli ahi tanaasusho oo ay tirtirto hubkeeda nukliyeerka ah. Warkaas oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.