Kulanka Madaxtooyada: Kafaala-qaadashada Ibraahin-yare ee Madaxweynaha iyo Weedhihii Niyad-dejinta ahaa

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO KAFAALAQAATAY WIILKII REERKOODA DUUFAANTU QAADDAY 2018.jpg

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wiil 19- jir ah oo Waalidkii iyo Walaalihii ku waayey Daadadka iyo Dabaylaha Roobabkii Duufaanta watay ee Xeebaha Somaliland ka bilaabmay Jimcihii hore oo lagu magacaabo Ibraahin Muuse Cabdi, ayaa sheegay inuu kafaalo-qaatay noloshiisa wixii ku baxaya iyo waxbarashadiisa inta dugsiga uga hadhay iyo jaamacaddiisa-ba.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO KAFAALAQAATAY WIILKII REERKOODA DUUFAANTU QAADDAY 2018.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu niyadda u dejiyey Ibraahin-yare, ka dib markii uu Jimcihii maanta ku qaabbilay xarunta Madaxtooyada Somaliland, isaga oo ay weheliyeen Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xudhuun.

Madaxweynaha Somaliland Muuse BIixi Cabdi oo shalay isaga iyo wefti ay hoggaaminayaa safar Diyaaradeed ku mareen deegaannada Roobabka Duufaanta watay ka da’een maalmaha toddobaadkan dhammaaday, ayaa gaadhay deegaanka Gargaara oo uu ku nool yahay Wiil ka soo hadhay Qoys siddeed sagaal ruux ka koobnaa oo labadiisii waalid iyo lix carruur ah oo ay walaalo ahaayeenba ku waayey Daadadkii iyo dabaylihii roobka duufaanta watay.

Waxaannu Warkan oo uu Madaxweyne Muuse Biixi kula hadlayo, isla markaana niyadda ugu dejinayo Wiilkan Waalidkii iyo Walaalihiiba ku waayey Roobabka Duufaanta watay ee Somaliland ka dhacay, una iftiiminaya ama u muujinayo sida Murugada loola wadaagay inkastoon Waalidkii iyo Walaalihii loo soo celin karin oo Illaahay Qaddarkiisa ay ku baxeen, haddana tusiyey in haddii uu Qoyskiisii waayey uu Qarankiisa oo Dad iyo Dawladba lihi garab-taagan yihiin, waxbarashadiisa iyo mustaqbalkiisaba haddii Illaahay idmo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.