Jasiirad ku Taalla Brazil oo aan la oggoleyn in Carruur lagu Dhalo iyo Sababta!

Hargeysa(Aftahannews):-  Jasiirad ku taalo Brazil oo aan la oggoleyn in

caruur ay ku dhashaan.

 

 

 

 

 

 

 

Jasiirad geeri go’an ah oo ku taala dalka Brazil, horay na looga mamnuucay in haweenka ay halkaasi ku ummulaan ayaa u dabaaldageysa ilmihii ugu horeeyay ee jasiiradaasi ku dhashay muddo 12 sano ah.

Jasiiradda Fernando de Noronha ayaa 370 kilmitir u jirta magaalada Natal, waxaana jasiiradan kunool saddex kun oo qoys, kuwaasi oo aan loo ogoleyn in wax ilma ah halkaasi ay ku dhalaan.

Haweenka uurka ah ayaa laga dalbadaa inay ka ambabaxaan magaalada, oo ay kusoo ummulaan magaalooyinka kale ee dalka Brazil.

Ummushii lala yaabay.

Haweeney aan dooneyn in magaceeda la shaaciyo ayaa gabar ku dhashay jasiiradaasi maalintii sabtida, balse arrinta la yaabka leh ayaa waxaa ay noqotay markii haweeneydaasi ay tiri marnaba kama warheynin inaan uur ahay, waxaana ay intaa ku dartay inay la yaabtay markii ay dhashay.

Haweeneydan ayaa la rumeesanyahay in da’deedu ay gaareyso 22.

”Habeenimadii jimcaha, waxaan dareemay fool, markii aan aaday dhanka musqusha qubeyska, waxaan arkay ilmo kasoo dhex baxaya labadeyda lugood” waxaa sidaasi tiri haweeneyda ilmaha dhashay.

Maamulka jasiirada ayaa war qoraal ah oo ay soo saaren waxaa ay ku xaqiijiyeen dhalashada gabadahaasi oo markii ugu horeesay muddo 12 sano ah ku dhalatay jasiiraddaasi.

Qoyska haweeneydan ayaa iyaguna sheegay in aysan ka warqabin uurkeeda.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in dadkii ku noolaa jasiiradaasi ay bilaabeen in maryo iyo waxyaabo kale ay ku caawiyaan haweeneyda ummushay.