Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq, Sheegayna In Hub Iyo Gaadiid Laga Qabsaday Maamulka Puntland

Ceerigaabo (Aftahannews):- Wasiirka Gaashandhiga Somaliland oo uu wehelinayo Badhasaabka Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay ka Hadleen dagaalkii gardarada ahaa ee ay saaka soo qaadeen Maamul goboleedka Puntland iyo Maamulka Xamar oo isku dhinac ahaa ay ku soo qaadeen Ciidamada Somaliland deeganka Tukaraq ee gobalka Sool.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay hore uga sii socdeen halkii ay markii hore fadhiyeen isla markaana ay hub iyo gadiid badan ka qabsadeen ciidamada maamulka Puntland isla markaana uu iminka istaagey dagaalki ka dib markii ay halkaasi roobab xoogani ka curteen.