Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khudbad Ka Jeediyay Xuska 18 May, Hanjabaad Culusna U Diray Maamulka Puntland

Hargeysa (Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay dabaal dega xuska 18 May ayaa waxa uu ka Hadley dagaalkii saaka Deegaanka Tukaraq ku dhex maraaya Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu ku hanjabey in ciidamada Puntland ay u dhigi doonan casharkii ay Somaliland u dhigtey dawlada Maxamed Siyaad Bare.