Cilmiga ha laguu Dhigee, Caliga Kaasho Baa la yidhi! Qalinka: Ifrah Ali Kirih

Kobci caqliga oo ku kobci garasho iyo degenaan, fahan waxbadan intaanu degdeg ku dhaafin wax badan.

Malimahan dambe waxaan maqlaa tiro yar oo  dhalinyaro aan tobaneeyo dhamayn oo la majara habaabiyey lagana dhaadhiciyey fikiro ka dhan ah gooni isutaaga dalka JSL. kuwaasi oo lagu xidhay inay galeen dambiyo ka dhan ah qaranimada Somaliland, dhalinyaradaasi anigu lama yaabo oo waxaan ogahay in dawladu ka seexatay barina wayday waajibaadka iyo xuquuqdii dalkoodu ku lahaa, iyaguna degdeg iyo hubsiimo la’aani ay hoday iyagoon dhugan xaqiiqada dhulkooda taala iyo dhib iyo dheef wixii loo soo marey.

Aan su’aalo muwaadinka Somaliland oo aan idhaahdo muwaadin adigu ma is weydiisay sababta dhalinyaro kula mid ah dalkana kula lihi ay u aminsan yihiin mabda ka dhan ah dalkaaga? Ma isku dayday inaad dhalintaa la doodo oo aad ku qanciso qaranimada idinka dhaxaysa iyaguna ku soo bandhigaan fikirkooda iyo waxay aminsan yihiin?.

Ma u samaysay dhalintaada manhaj haga oo ka turjumaya taariikh ahaan iyo baahi ahaanba dalkaaga, tusayana dhalinta wixii dalkan iyo umadaniba soo mareen?

Hadaba si su’aalaha jawaab loogu helo waxa muhiim ah qurux ah intaynaan dhalinta xidhin, kuwo kalena dhabadooda qaadin inaynu helno, wax inaga iyo dalkeenaba ka turjuma, wax inoo ah sawrac iyo tilmaan wax aynu ubadkeena ku tusno inay leeyihiin dal kumanaan maati ah loo xasuuqay. Ugu dambayntii waxaan is weydiiyaa, waxa aqoonyahankeenii iyo waayo arageenii u diidey inay ka sheekeyaan oo dhalaanka soo kacaya uga waramaan wixii xasuuq iyo dhibaato lahaa ee umadooda la badey sidii xooriyadoodu u luntay, ee loo soo ceshaday. Umadi waa tii taariikhdeeda ku faantee inagu teenii miyeynu ka xishoonay goormaynu u caqli celinaynaa carruurteena la majaro habaabinayo. Bal adba.

Umul baa ilowda eedaadka soo marey.

W/Q. Ifrah Ali Kirih.