Mucjiso: Rasaas Hadhaysay Xaafad Burco Ka Tirsan, Meeshay ka soo Dhacayso oo lagu Dawakhay, Maamulka Togdheer iyo Dad Ka Hadlay

Burco(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diirye iyo Dadweynaha Xaafadda Placa ee magaalada Burco, ayaa ka hadlay Rasaas hadhaysay Xaafaddaas oo Dad ku dhaawacmay, isla markaana aan illaa hadda la aqoonsan meesha ay ka imanayso iyo cidda soo ridayso toona, sida ay xaqiijiyeen Badhasaab Ku-xigeenka iyo Dadka Xaafaddaas Xubno ka tirsani.

Arrinta Rasaastan, ayaa noqotay Mucjiso iyo hal-xidhaale aan weli Maamulka iyo Bulshada Reer Burco midkoodna fasiraad ama jawaab rasmi ah u haynin, ayuu hal Nin ku dhaawacmay, isla markaana cabsi iyo argaggax badan ku abuurtay Dadka ku dhaqan Xaafadda Balaasa ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana ay Ciidammada Ammaanku baadhis ku hayaan, sida uu Guddoomiye Ku-xigeenku sheegay.

Haddaba, waxaannu Warbixintaas iyo waxa laga yidhiba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.