Shirkadaha Maamula Haamaha Kaydka Shidaalka Somaliland oo Qiray inay Shidaal Wasakhaysan Keeneen

SHIRKADAHA MAAMULA HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA SOMALILAND OO QIRTAY SHIDAAL CILLAD DHALIYEY 2018.png

Hargeysa(Aftahannews)- Maamulka Sare ee Shirkadaha Gacanta ku haya Haamaha Kaydka Shidaalka Somaliland ee magaalada Berbera ee Berbera Oil Group, ayaa markii ugu horreysay si cad u qirtay inuu jiro Shidaal wasakhaysan oo lagu shubay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, kaas oo ku faafay Suuqyada Shidaalka ee Somaliland, isla markaana Khasaare u geystay Gaadiid kala duwan.

SHIRKADAHA MAAMULA HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA SOMALILAND OO QIRTAY SHIDAAL CILLAD DHALIYEY 2018.png

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Fadeexaddan Shiidaalka Wasakhaysan, ayaa soo baxday markii ay Boqollaal Dadweyne ah oo Gaadiidlay ah oo ku kala dhaqan magaalooyinka kala duwan ee Somaliland oo Gaadiidkoodu ku waxyeelloobay Shidaalkaas oo maalmihii u dambaysayba Warbaahinta Cabashooyinkooda ugu soo bandhigayey, ayaa sheegay in Shidaal Wasakhaysan lagaga Shubay Baabuurtooda kala duwan, isla markaana ay Cillado Dhinaca Mishiinka ah ku arkeen, Farsamayaqaannada aqoonta u leh Cilladaha Gaadiidkuna u caddeeyeen in Shidaal wasakhaysan lagu Shubay Gawaadhidooda.

Haddaba, Cabashooyinkaas Bulshada Somaliland ee Baabuurlayda ahi ka muujiyeen Shidaalka Wasakhaysan iyo Khasaaraha uu Gaadiidkooda u geystay, waxaa ka hadlay, isla markaana xaqiijiyey jiritaanka Shidaalkaas Guddoomiyaha Shirkadaha Maamula Haamaha Kaydka Shidaalka Somaliland ee magaalada Berbera ee Berbera Oil Group Eng. Cali Yaasiin Kooshin, kaas oo sheegay inay ka xun yihiin in Shidaal xun ama wasakhaysan lagu shubay Haamaha Kaydka Shidaalka ee ay Maamulkooda gacanta ku hayaan Shirkadohooda Midoobay.

Guddoomiyaha Shirkadaha Berbera Oil Group oo Faahfaahinaya sababta keentay Shidaalka Wasakhaysan ee Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera lagu shubay, xalka ay hayaan iyo siday u arkaan Cabashada Bulshada ay dhibaatada u geysteen Gaadiidkooda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.